Oodweyne News - Latest Somali News Update

Wiilal Dhalinyaro Ah Iyo Waalidiintoodii Oo Lagu Xidhay Xaafadda Cabaaye Ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa(OWN)- Ciidamada Booliiska Magaalada Hargeysa  ayaa Xabsiga dhigay tiro dhalinyaro ah iyo Waalidiintooda kuwaas oo Shaqaaqo rabshado dhaliyay ka sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Hargeysa.

 

 

Dhalinyaradaan oo degan Xaafadaha Cabaaye iyo Daami ee la xidhay  ayaa bilaabay in ay sitoos ah u wada dagaalamaan taas oo keentay in laba ka mid ah dhalinyaradii ay geeriyoodaan.

 

 

Xiisadii ayaa weli ka taagan Magaalada Hargeysa,waxaana Xabsiga ku jira tiro dhalinyaro ah iyo Waalidiintooda oo ay ciidamadu xidheen si rabshaduhu u istaagaan.

Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa  Booliiska  ayaa haatan ku sugan Xaafadihi lagu dagaalamay ee Cabaaye iyo Daami ee Magaalada Hargeysa si aysan dib usoo laaban dagaalka dhexmaray dhalinyarada kala degan Xaafadahaas.

 

 

Dhalinyarada xaafadaha magaalada Hargeysa ayaa inta badan isku weerara xaafadaha kala duwan ee magaalada hargeysa kuwaas oo aad habeenkii ku arkayso dhalinyarao hubaysan oo koox koox u wada socda.

 

ko

Oodweynenews Hargeysa Office