Oodweyne News - Latest Somali News Update

IDAACADDA BBC-LONDON LAANTEEDA AF-SOOMAALIGA WAA HANTI QARAN OO KA MAQAN SOMALILAND||

Gumaystihii  ingiriis wuxuu ka  hirgeliyey  wadamaddii uu gumaysanayey idaacad ku hadasha,

Wadanka uu gumaysanayo afkooda ama luqadooda si aanay uga iman kacdoon shacab oo hubaysan

Ama Jabhaddo heeryadda gumaysiga iska rida,Somaliland waxaa laga hirgeliyey idaacadda af-soomaaliga

Ku hadasha 18 julay 1957,idaacadda af-soomaaliga  ee bbc-london waxay ahayd idaacad ay leeyihiin

Wadankii la odhan jiray biritish Somaliland ama maxmiyaddii ingiriisku gumaysan jiray ee Somaliland,

Inkastoo aanu Ingiriisku gumaysan Somaliland oo ay badda ama xeebta  ay ku kala qorteen heshiisyo

Qasab lagaga dhigay gumaystihii Ingiriis markaan dhowr qodob ka soo qaato waxaa ka mid ahaa:-

1-Ingiriisoow wakhtiga aanu ku nidhaahno wadankayaga nooga bax inaad ka baxaysid adigoo fulinaya

heshiiska aynu ka qoranay.,2-Dumarkiinu inaanay ku umuli Karin wadanka Somaliland.,3-Inaad meel

gooniya ka deganaataan magaalooyinka oo aydaan soo dhex-gelin dadkayaga ama xaafadahayaga.

Heshiiskaas markaan ka gudbo,Ingiriisku wuxuu kaloo gacanta ku hayey soomaalida itoobiya degan,

Soomaalida Kenya,iyo Somaliland oo ahayd xaruntiisa ama taliskiisa ugu wayn,waxaa ka wada

dhexeeyey Idaacadda  af-soomaaliga ku hadasha,inkastoo weriyihii ugu horeeyey iyo kuwii ka

dambeeyeyba ay ahaayeen reer Somaliland,idaacadda bbc-london ee qaybteeda af-soomaaliga

Waxaa la biyo dhiciyey oo ay qudhuntay markii ay midoobeen labaddii wadan ee kala ahaa

Jamhuuriyadda Somaliland oo xornimadda ka qaadatay Wadanka Ingiriiska 26 june 1960,iyo

Wadanka jamhuuriyadda Soomaaliya oo xornimadda ka qaadatay wadanka talyaaniga 1julay 1960,

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa meel AAR KA KACAY ATOOR FADHIISAY,idaacaddii laanta

Af-Soomaaliga ee bbc-london ee lagu yaqaanay weriyayaal aqoon jaamacadeed leh oo Allaah(Swt),

Ku manaystay cod aad u macaan,aftahanimo,karti iyo quluubta shacabka reer Somaliland iyo

deegaamadda Soomaalida kale ku reebay raad aad u wayn,midoowgii Somaliland iyo Soomaaliya

Wuxuu keenay dhaawac aad u wayn oo waxaa idaacaddii laanta af-soomaaliga ee bbc-london lagu soo

Daad-gureeyey dad aan lahayn aqoontoodii weriye-nimo o oaf-soomaaligooda aan la

fahmayn,turjumaaduna ay aad ugu liidato,dadkaas oo laga keenay Soomaaliyaddii xornimadda ka

Qaadatay Gumaystihii  Talyaaniga,Soomaaliya waxay qaadeen olole lagaga safaynayo weriyayaasha

Asal ahaan ka soo jeeda Wadankii la odhan jiray Somaliland,waxaana culays aad u wayn la saaray

Dawladdii Ingiriiska oo la yidhi mar haddii Somaliland iyo Soomaaliya ay midoobeen,idaacadda qaybteeda Af-soomaaliga waa inaad noo madax banaanaysaan oo weriyayaasha aanu u aragno

Qaran dumis in shaqadda laga fadhiisiyo,weriyaasha aanu idiin keenana aad naga gudoontaan.

Idaacaddii laanta af-soomaaliga ee bbc-london waxay noqotay idaacadaha ka furan muqdisho ee

Hogaamiyayaasha ama dagaal oogayaasha  muqdisho ka jiraa ay leeyihiin,oo ay noqotay idaacaddii

Laanta af-soomaaliga ee bbc-london cadoowga Somaliland,oo ay buun-buuniyaan wixii muqdisho oo

Aan dawlad awood leh ka jirin oo aan ka talin Karin 5km,dawladdaas taagta daran ee muqdisho ay ka

Dhigaan wadan amnigiisu aad u fiican yahay,Somaliland-na ay ka bixiyaan sawir aad u fool xun.

Anigoo jeclaa inaan taariikhda laanta af-soomaaliga aan soo bandhigo haddana waxaa damiirkaygu I siin

waayey Idaacad wadankii  loo furay ama wadankii lahaa aanu gacanta ku hayn inaan ka bixiyo sawir

Wanaagsan ,Waxaan Xukuumadda Somaliland ,golaha barlamaanka,sadexda xisbi qaran iyo

Shacabwaynaha Qol-qol jooga iyo Qurbo-Jooga  ku adkaynayaa in talo qaran la isugu yimaado

Oo laga wada hadlo hantida inaga maqan ee laanta af-soomaaliga ee idaacadda bbc-london sidii

Loogu cadaadin lahaa wadanka ingiriiska inuu soo celiyo idaacaddii laanta af-soomaaliga ee bbc-london

laguna soo celiyo wadankii xakha u lahaa ee ugu horeeyey laguna furay  laanta af-soomaaliga,Haddii

Ingiriisku ku adkaysto in la wada yeesho oo 50% Somaliland yeelato,50% soomaaliya yeelato ,waa in

Xidhiidhka loo jaro wadanka ingiriiska,haddii talaabadaas geesinimadda ah lagu dhiirado xukuumadda

Ingiriiska wuxuu shacabkiisa ,xisbiyadiisa iyo barlamaankiisa kala kulmayaa  cadaadis aad u wayn oo lagu

Caqli celinayo xukuumadda ingiriiska runtana loo sheegayo in laanta af-soomaaliga ee idaacadda bbc-

london lagu celiyo gacanta Somaliland,haddii ay Soomaaliya weriyayaal ka shaqaalaysiinaysana waxay u

Taalaa Somaliland.

Somaliland dawladnimadda ka jirta muddo lagu qiyaaso 26 sano ee amniga ka jira Somaliland aanu ka

jirin Wadamadda horumaray,oo ay ka dhaceen doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ay ugu horaysay

Doorashaddii  todobadda urur ee u tartamayey inay sadex ka mid ahi xisbi ahaan u soo baxo 2002,

Doorashaddii barlamaanka ee golaha wakiiladda ee dhacday 2005,doorashaddii madaxtooyadda

Ee dhacday 2003,doorashaddii madaxtooyadda oo mar labaad la qabtay 2010,furitaankii ururadda

2012 Oo ay u tartamayeen todoba urur waxaana xisbi ahaan u soo baxay sadex xisbi oo noqday xisbiyo qaran sadexdaas xisbi qaran oo kala ah Xisbiga kulmiye,xisbiga ucid,iyo xisbiga wadanni.

Somaliland waa xaqiiqo jirta oo Caalamku ogyihiin haddana ay Sawirka xun ee  reer koonfureedka

Ama reer Soomaaliya kaaga bixinayaan idaacadda laanta af-soomaaliga ee bbc-london waa caqabadaha

Waawayn ee Somaliland ilaa ay gacanta ku dhigto idaacadda laanta af-soomaaliga ee bbc-london

Wax u hirgalayaa ma jiraan oo sawirkaaga wanaagsan markaad idaacadda bbc-london laanteeda

Af-soomaaliga aad si wanaagsan uga bixisid xaqiiqadda dhabta ah eek a jirta jamhuuriyadda Somaliland ,

Waxaad ogaataa sawirkaas wanaagsan ee aad af-soomaaliga ku jeedisay  in boqolaal luqadood lagu

Turjumayo oo laba boqol oo wadan ku dhoowaad ay dhegaystaan ama tv-yadda Caalamka loo gudbiyo

Oo ay kaa daawadaan sawirkaas wanaagsan ee Somaliland laga bixiyey oo xukuumadd-kastaaba ama

Barlamaan kastaaba ama shacabkastaaba oo ka soo jeeda wadamaddaas sawirka wanaagsan ee laga

Bixiyey Somaliland,wadan 26 sano aan aqoonsi helin oo nidaamkii dawladnimo lagu yaqaanay buuxiyey

Oo ay ka jiraan  Xisbiyo doorasho xukunka kula kala wareega,gole barlamaan,gole xukuumadeed

Gole garsoor,Saxaafad madax-banaan,Ganacsi xor ah,Calan gooniya,Lacag gooniya,Ciidamo awood leh

Oo aan la dhayalsan Karin,wadamaddaas waxaa gelaya dareen ama kacdoon ay ugu ololaynayaan sidii

Somaliland loo aqoonsan lahaa,Arrimahaasina waxay imanayaan markaynu gacanta ku hayno idaacadda

Bbc-london laanteeda Af-soomaaliga,Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa warna meel fog  ayuu ku Dhacaa dhagaxna meel dhoow.Idaacaduhu waa waxyaalaha wadankaaga lagu burburin karo,tusaale ahaan marka ay doodi ka jirto

Laanta af-soomaaliga,doodaas oo ku saabsan Somaliland waxaa ay soo adeegsadaan shaqsiyaad aad u

liita oo calooshood u shaqaystayaal ah oo jecel ha lagu maqlo ee iska badhaaci,la lagu maqlo ee xaarka

Iyo Kaadida isku dar.,wakhtigana lagu yareeyo masuuliyiinta difaacaya qadiyadda Somaliland oo loo

qabto hal daqiiqo ama hadalkiisa la dhexgalo si tashuush loogu furo oo hadalka laga khal-khaliyo.

Qalinkii:Saxafi Madax-Banaan Qoraa:Ahna Murashaxa Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Xisbiga Kulmiye  Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Rep.