Oodweyne News - Latest Somali News Update

Faanoole Fari Kama Qodna Farmaajo oo Shrciyeeyey Qabyaaladdii/Dawlad Beeleedyaddii.

Hal-qabsigii Farmaajo markii uu madaxtinamada u tartamayay waxa ay ahayd  in qabyaaldaa laga gudbo oo si qarnimo ah loo dhaqmo. Markii la doortayna waxa uu balan qaaday in Khadka Cagaaran ee Gaalkacayo la baa bi’in doono dadkuna is dhexgalo. Taas oo u eekayd dakuna moodeen  in dawlad beeleeyada samaystay xuduudda ku salsayn isirka/qabyaaladda  ay meesha ka baxayaan, sida Puntland oo xudeeda ku salysan tahay  isir sida uu Dastuur ku sheegeedu dhigayo.
      Puntland oo ay Somalia u taqaan hormoodka  habka  Federaalka ee Somalia waxa uu dastuur ku sheegeedu qeexayaa in ay xuduudeedu  ku salysantahay degaanada ay Jufoyiinka/jilibyada  Harti, sida Majeerteen, Dhulbahante iyo Warsangali dagaan. Majeerteen oo ka tirsan Somalia waxa ay xuduudiisu  ka bilaabmaan halka ay iska  galaan beesha Habar-gidir oo ah Woqooyiga Gaalkacayo, Mudug  waxa kale oo ay sheegtaan degaanada Sanaag Bari oo ay dagaan Warsangali oo ka mida ah  Somaliland , waxa kale oo ay sheetaan Sool qaybta uu Dhulbahantu dago oo Somaliland ah. Sida ay  Majeerteen iyo Habargidr ood wadaagta ugu yihiin Gobolka Mudug ee Somalia ayey Warsangali iyo Isaaq uGu yihiin ood Sanaag ama wada dagaan, sidoo kale ayay Dhulbahante iyo Isaaq u  wada dagaan Sool uguna yihiin ood wadaag waligood aan xad kala lahayn dadkuna soo ahaayeen reer guura kolba meeshii ay daruurtu ka curato u guura.
    July 12, 2017 waxa ay Ra’iisal Wasaaraha Somalia, Khayre iyo wasiiradiisu kulan la galeen wasiirada Dawlad Beeleedda Jubaland. Sida la wada og yahay waxa Jubaland gacanta u galiyay Axmad Madoobe  ciidamada  kenya  2012, ciidamada Kenya oo wali jooga Kismaayo.
        Ciidamda keyna waxa ka barbar dagaalamayay ciidamo uu watay Axmad Madoobe oo ay taba bartay Kenya, ciidamadan oo lagu dhisay hab beeleed/Ogaden una badan ONLF, waxa dhismahooda iyo abaabulkooda ka dambeeyay Gandhi iyo dawladda Keyna. Gaandhi, Axmada Madoobe iyo siyaasiin ay isku beel yihiin oo ka tirsan dawladda kenya ayaa sababta ay u dhiseen ciidamada beelaysan ahayd sidii ay beeshoodu gacanta uGu dhigi lahayd dekedda Kismaayo beelaha kalena uga saari la haayeen Kismaayo, si ay dhaqaale ahaan uGa faa’idaan, taas oo u hir gashay oo maamulka Kismaayo uu qoyska Axmad Madoobe ka taliyo, dhaqaalihii oo dhana u gacan  galay , oo ay wali dhuxusha si sharci darro ah uga dhoofiyaan Kismaayo, iyada oo ay mamnuucday dawladii Xasan Sheekh.
     Tan iyo markii Kenya iyo Axmad Madoobe gacanta ku dhigeen Kismaayo  waxa ay bara kicin, dil, hanti boob iyo xadhig ku hayeen beelihii dagganaa Kismaayo ee aan ahayn Daarood, marka laga reebo Beesha Mareexaan oo ay iyada  bara kicin iyo dil ku hayeen.  Bara kicinta, dilka iyo boobka ay  Axmad Madoobe iyo maleeshiya beeleediisu ku hayaan dadka kale ayaa waxa ay ku shaabadeeyaan waa argagaxiso iyo Al-Shabaab.
    Dawladda Kenya ayaa iyadu waxa ay danaynaysay Badda Somalia ay wadaagaan ee ay sheegato sidii ay gacanta uGu dhigi lahayd si ay khyaraadka ku Jira ula bixi lahayd  iyada oo ku marmarsiinaysa waxa aan u  joogaa meesha sidii aan iskaga moosi laa /Buffer Zone argagaxisada Al-shabaa. Kenya iyo kooxda Gandhi ayaa wax ay ku heshiiyeen in Kenya gacanta u galiso Kismaayo Axmad Madoobe, Kenyana ay khayraadka badda gurrato iyaka oo hiigsanaya in dagaalka Al-shabaa sii daba dheeraado si ay Kenya uGu nagaado Kismayo, Somala.
         Iyada oo ay xaqdarrada ka jirtaa Kismaayo ay xadhkihii goosatay oo cabshadii dadka iyo wasiiro ka soo goostay ay joogaan Xamar oo waliba ay  dacwadda u gudbiyaya maxkamada sare ee Somalia, ayaa waxa nasiib darro in Dawlad ku sheegii Farmaajo iyo Khayre u qoondeeyeen lacag $2million sanada walba,  iyada oo ay Axmad Madoobe, ciidamada Kenya iyo kooxdiisu  si sharci darro ah  u dhoofiyaan dhuxusha, oo ay waliba dawladda Kenya lacag ku siiso jugitaankooda Kismaayo.
        Baarlamaan ku sheegga Somalia, Aqalka Sare/Hoose ayaa iyakana dadku ka filayeen in ay Dastuurka dib u eegaan gaar ahaan habka Federaalka ee ku salaysan beelaha iyo xuduud beeleedka/isirka. Inkasta oo aanay wali samayn wax dib u eegida, ayaa iyaduna haddii ay wax ka badali waayaan habkan Federaalka ee ku salysan beelaha, waxa uu arinkoodu noqonyaa shimbrayahow heesa iyaka oo markoodii horeba ku yimid tuugo iyo musuqmaasaq.
     Ugu dambayntii diiri galinta Xukuumadda Farmaajo iyo Aqalada Sare/Hoose ee  Dawlad Beelyeedyada, sida Jubaland/Ogaden, Puntland/Majeerten, Gal-mudug/Habar-gidir iyo Hirshabeele/Abgaal ayaa waxa ay  meesha ka saaraysaa balan qaadkii Farmaajo iyo Aqalada ee ka tagidda qabyaaladda iyo rajadii dadka ee Dawlad Qaran.
    Mahamud Aden Samatar
samatarapt@gmail.com