Oodweyne News - Latest Somali News Update

Xafladii Dardar Galinta Xisbiga KULMIYE Ee Magaalada CANADA

OTTAWA(OWN)-  Xafladii Dardargelinta Xisbiga Kulmiye, ee lagu Qabtay Ottawa Canada waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee woqooyiga Ameerika Mudane Mustafe Cabdi Cartan iyo wafti uu Hogaminayo oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Abaabulka iyo wacyigelinta ee woqooyiga Ameerika Mudane Fuad Cabdi Ismacil iyo mudane Yasiin xasan oo ah xubin ka mida golaha musdanbeedka Xisbiga ee Toronto Canada.

Waxaana ku soo dhaweeyey Magaalada Ottawa Madaxda Xisbiga Kulmiye laantiisa Ottawa. Waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii soo dhaweeyeyGudoomiyaha Garabka Haweenka Canada Laila Maxamed Nuur, Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Ottawa Mudane Naasir Cismaan Cumar, Gudoomiye ku Xigeenka Kulmiye Ottawa Mudane   Xasan Cali Abokor, Xoghayaha Xisbiga Ottawa Mudane Daahir Muuse Caalin, Lacag-hayaha Xisbiga Ottawa Mudane Khadar Libaan OdowaaSafiya Faarax-Dheere, Ismacil Ducaale Cilmi, Jaamac Cisman Geele iyo Siciid Jaamac (99) oo ka mid ah odayaasha Musdanbeedka Xisbiga Laantiisa Ottawa iyo weliba Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ottawa, waxay ku bibaabantay farxad waxayna ku dhamaatay Guul.

Alaa Mahad Leh S/L ha noolaado Kulmiye ha Guulaysto.

Waxaa Xidhiidhiyey Axmed Siciid Xiir oo ah Af-hayeenka xisbiga Laantiisa  Ottawa