Oodweyne News - Latest Somali News Update

Askari Boolis ah oo Toogasho ku Dilay Xalay Laba Wiil oo Dhalinyaro ah Magaalada Hargeysa

 

Hargeysa(OWN)-Laba Wii loo Dhalinyaro ah, ayaa Xalay fiidkii ku Geeriyooday Xaafadda Cabbaaye oo ka tirsan Degmada Gacan-libaax ee Magaaladda Hargeysa, kaddib markii ay Haleeshay rasaas uu ridday Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, oo isaggu ka hawlgalaayey Rugta Booliska Hawl-wadaag.

 

 

Inkastoo aanu suurto gelin xidhiidh Wargeyska Yool isku dayey inuu arrinkaa Xalay wax kaga waydiiyo Saraakiisha Ciidanka Booliska Somaliland, iyo sidoo kale, Maamulka Cisbitaalka guud ee Magaaladd Hargeysa, balse haddana siday Wargeyska u sheegeen Dad goob-joog ah oo Xaalada la socday, mid kamid ah labada Cauur ah ee Marxuuminta ah oo ayaa la odhan jiray Suhayb Maxamed Cabdi, balse marxuumka labaad oo anu isku daynay inaanu Magaciisa hello ayaanay noo suurogelin, hadda Maydkoodii yaalo Cisbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa.

 

 

Teeda kale, waxa goob-joogayaashu intaa ku dareen in falka sababay Geerida labada Wiil uu ka dhashay, kaddib markii Askariga falka gaystay oo soo dhexgalay laba kooxood oo dhalinyaro ah, kuwasoo isku laynaayey Koox-koox. Sidoo kalena, Askarigii falkaa gaystay ayaa sida lagu soo Waramaayo waxa uu ku jiraa Gacanta Ciidamada ammaanka, oo sida la sheegay u qaaday xarunta Dambi baadhista ee CID-da.

 

 

Dhanka kale, Warar Saacadihii dambe ee Xalay oo Wargeysku helay, ayaa lagu sheegay in is afgarad buuxa laga gaashay falkaa, kaddib markii Xalay kulmeen Waalidiinta labada Cauur ah oo ay weheliyeen Waxgaradkoodu iyo sidoo kale, Hoggaanka Ciidamada Booliska Somaliland isla markana labada dhinac isla qaateen in Maydka caruurta la aaso Maanta.

 

 

@ Wargeyska Yool