Oodweyne News - Latest Somali News Update

Talo aad u macaan iyo maskax baa la rabaa

Dhaqane iyo dhaashane

dhalin weeye magaallo.

dhaqankoodu mid maaha .

Dhaliil la iskama qaato .

DHafoor taabasho weeye .

Dhibtana la iskuma eego.

daily way kaftamaan .

Hadana la isma dhegaysto.

Dhoohanaad tahay waalan

iyo adaa dhoocil ka liita

warkoodaa ku dhamaadee .

Kaalayoo bal dhegayso.

 

 

Dhaqane:Maanshaa alah guul,Ma daawatay ninii Abdiraxman ciro iyo Hogaamiye Xirsi x Ali siday dadka ula hadleen..Adeer Talo aad u macaan iyo maskax baa la rabaa.

 

 

Dhaashane:Waar talo iyo towtow lahaane,waxan ku waydiiyey Cirro isagoo gudoomiye xisbi ah buu wafti intaa le`eg kaxaysanayaa ,markuu madaxweyne noqdana wefi intee le`eg buu kaxaysan doonaa?

 

Dhaqane;Cirro weftigiisu iyagaa kharashkooda iska bixiyee ma sidiinay cashuurta islaamaa baradhada iibinaya laga soo ururiyey dayaarado ku raacaan?

Dhaashane:Waar anaga cadaaladayada shacabkaa ka markhaati furay .Miyaanad arag ninkan aanu maxkamada sare u dhiibnay ee dadkuba wada amaanayo?

Dhaqane:Horta runtii nikaa anigu intii horoo dhan waxan lahaa waa kii ugu wanaagsanaa e eina soo mara laakiin iska waxan nacay maalintuu yidhi:Ucid Faysal baa iska leh .

Dhaashane:Aleylehe halkaa wuu ku yara bariiqday.

Dhaqane:Waar yaadha!waar maanta yaa duceeyey?maanta sidii qof caadiya ayaabu u hadlayaa ,waxbaabu qirayaa.

Dhaashane:Waar canto fuude ,anagu weligayaba caadi baanu aheyn idinkaan hadaa dad nool liqdaan la idin soo marinayne waxan ku waydiiyey ,Wasiir Cadaani iyo wasiir Cukuse keeba wasaarada warfaafinta ku fiican baad u malaynaysaa?

Dhaqane:Adigu Xildhibaan Bukhaari iyo xildhibaan Nac nac keebaa guulwadaynta ku fiican baad u malaynaysaa?

Dhaashane:Don`t say that.maanta anaa sheego kuu haya dee:Oday reer magaal ah ayaa xamar ka soo raacay baabuurtii xamuulka aheyd ee ka iman jiray wakhtigii dowladii siyaad bare .Baabuurka waxaa saaran hablo faro badan oo ciyaala iskuul ah oo xamar wax ka barta oo reerahoodii ku soo noqonaya.Odaygu af ingiriisi oo dhan wuxuu ka yaqaan:Don´t say that.baabuurkii ayaa meel dhexe is taagay.Markii laga soo degayey ayey hablii af ingiriisi ku xanteen odaygii.Odaygiibaa intuu dib u jaleecay ku yidhi:Don`t say that.Hablihii ayaa naxay.Markuu odaygi degay ayey kirishboygii oon isba kelmad ingiriisiya aqoon waydiiyeen waar odaygu af ingiriisiga miyuu yaqaan?Kirishboygii baa yidhi:Ala .Waa macalinkaygii.

 

 

 

Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden diiriye

Sweden