Oodweyne News - Latest Somali News Update

Ilduuf iyo mooganaantii ugu weynayd taariikhda ee Lughaya iyo Baki !! Qor1aad Dr.khadar-Libaaxley.

Hordhac: in dhaweyd weynu kala baadnay sababtoo ah wiilkayga Boqore khadar ayaan dhakhtar kula jiray mudo 6 casho ah , boqore iyo hooyadii hoodo geedi ayaa todobaad ka hor Berbera booqasho ugu tagay ayeydii ardo caqli , boqore oo ku dhex ciyaaraya hudheelka ayeydii ayaa disti maraq ka buuxo dib-dib ugu dhacay deedna Hargaisa oo aan joogay loola soo cararay, Boqore wuxu idiinka rajaynayaa in aad u soo ducaysaan si uu rabi u caafiyo insha’allah.

 

 

 

….……………………………………………………………………………………………………………………………

War la helyaaba tallo la helo e’ aan ku horeyno Weydiimo maan-gal ah:

1. siday ku dhacday in bali-gubadle oo tirada dadka iska diwaangaliyey yihiin 14,757 Buuhoodle oo tirada dadkii iska diwaan galiyey yihiin 9,933. taleex oo tirada dadka iska diwaan galiyey yihiin 5,145 iyo Badhan oo tirada dadka iska diwangaliyey yihiin 4,625 ay noqdaan GOBOLO JIRA oo shaqeeya oo aasaasiyaadkii gobolnimo dhismihiisu u socdo??!! halka LUGHAYA oo lixgoobood ka xanibantahay dadkeeda haleelay diwaangalintu yihiin 15,185 iyo BAKI dadkeeda haleelay diwaanglintu yihiin 14,830 ay ahaadaan 2dan degmo , degmooyin aan gobolnimo gaadhin wali ??!!

 

 

2. Gobolkii maroodi jeex gobolnimadiisii degmada hargaisa iyo intay xukunto oo kaliya ayaa ku hadhay gobolnimadiisii waayo 3diisii degmo ee ( Hargaisa- Berbera- iyo gabiley ) gobolo ayey noqdeen iyo waliba baligudadle oo aan degmooyinkii hore kujiririn oo iyadna gobol cusub noqotay !! maxaa AWDAL isku raray ee ay dusha iskaga saarantahay wali gobolka salal marka laga yimaado ??!

 

 

3. Gobolkii togdheer gobolnimadiisii degmda Burco iyo inta ay xukunto oo kaliya ayaa ku hadhay gobolnimadii togdheer waayo ( oodweyne , Buuhoodle ) gobolo noqdeen!, degmada sheekh waxa ay ka mid noqotay gobolka saaxil ! maxaa AWDAL isku raray ee ay dusha iskaga saarantahay marka gobolka salal laga yimaado ??!

 

 

4. Gobolka sool laascaanood iyo xudun ayaa ku hadhay gobolnimadii sool halka ( caynaba iyo taleex oo sool ka tirsanaa ay gobolo isku badaleen) maxaa AWDAL isku raray ee ay dusha iskaga saarantahay marka gobolka salal laga yimaado ??!

 

 

 

Muhiimada iyo mudnaanta siyaasadeed ee deegaan:-

Mara laga yimaado tusmooyinka dastuurku dhigayo ;Dawladu marka ay gobol magacaabayso intaynu ka baranay wax kamid ah halbeegayada iyo qiyaasaha ay ku bixiso gobolnimo waxa ka mid ah ( kaalinta iyo doorka deegaan ka soo ciyaaray halgamadii heeryo iska tuurka gumaysiga iyo dibu xorayntii somaliand !!).

 

 

Degmada Baki waxa ay leedahay 2ba muhiimadood oo gobol isbixiya ku noqon karto :

1. waa degmo qani ku ah silsilada buuraha waaweyn ee macdanta dunida qaaliga ku ah ee ( barilium ama emirol-ka loo yaqaano) qodisteeda iyo soosaaristeeduna qiimo sare kor ugu qaadi karto nolosha bulshada iyo dhaqaalaha dalka ; albaab furana u noqonkarta xidhiidhka somaliland la leedahay dunida inteeda kale.

2. waa degmo durduro badan leh oo horey iyo imikaba caan iyo hodan ku ahayd waxsoosaarka beer-biyoodka looyaqaan ( crop cash) oo dakhli badan u abuura dadka deegaanka iyo guud ahaan somaliland.

Kuwani waxa ay qayb ka yihiin muhiimadaha ay degmadani khusuusi ku tahay oo aanay degmooyin badan oo dalka ahi yartay yeelashada khusuusiyaadkan degmada Baki ; muhiimadahan waa kuwo degmada Baki ku iibin kara noqoshada gobol buuxa hadii ay hesho cid u dadaasha oo aanay hagranin.

2. Lughaya : waa deegaan xeeb dheer leh si buuxda isku bixin kara !! badi dadka reer lughaya waxa noloshooda iyo dhaqaalaheedu ku tiirsanyahay bada iyo kaluumaysi ,marka la eego halbeegii gumaystayaashii reer yurub ku bixin jireen ruqsada wadan buuxa marka laga yimaado danahooga gaarka ah; waxa ugu mudneyd in ( baaxda dhul ee dal la siin karaa inta ugu yarba ha noqotee in uu shardiga koowaad bad ay wax u soo maraan leeyahay, tani waa sababta wadamada dunida ugu yar-yar ee gumaystayaashu bixiyeen ay dhamaantood bad u leeyihiin, oo uu ka mid yahay dalka dunida ugu yar VATICAN CITY oo baaxad dhuleedkiisu yahay 0.2 square miles .)

 

 

 

Lughaya oo lixda gooboodna ee ka xaniban loo fasaxo oo dhamaan beelaha reer lughaya ah ay ka hawlgalaan horumarinta deegaankooda oo wada jir ku raadiya gobolnimada lughaya wey ka midha-dhalin karaan haday dabka isku furaan oo ay karti isgaliyaan.

 

 

 

Talaa la hilaadiyaa

hankaa la talaabiya

Tusbaa reer loo rara

Tigaadba lala darsa

Talaabada horumarkan

Tab baa lagu haybiyaa

hadaad waayo taagdarnayd

wixii kaa Tagay marhore

Toolmooni ku baadidoon

Taladiii ninrageeed samee

 

 

1. Maxay tahay faa’idada ku jirta gobol noqoshada Baki iyo Lughaya ??

2. Meelo lamid ah amaba ka yar degmooyinka Baki iyo lughaya horey wadamada dariska iyo dunidaba gobolo ama wadamo ma yihiin imika ??

3. yaa laga rabaa in ay raadiyaan xuquuqda gobolnimo ee Baki iyo lughaya ??

 

 

 

Lasoco qormada tan xigta…………………………………………………………………… coming soon…………………………………………………………………………………………………………….

Dr.khadar -Libaaxley dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts