Oodweyne News - Latest Somali News Update

“Dhamaan Calamadii Xisbiga Waddani Ee Degaanadaas Sudhnaa Ciidan Ayaa Loo Adeegsaday, Talabadaasi Waa Sharci Darro, Waanu Canbaaraynaynaa” Muniir Axmed Cigaal

Maayarka Magaalada Burco, Maxamed Muraad oo wata ciidamo bileys ah ayaa albaabada iskugu dhuftay xafiiskii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani uu ku lahaa magaalada Nasiye oo ka tirsan Gobolka Togdheer, kaas oo sidoo kale xabsiga u taxaabay masuuliyiintii xisbiga Waddani ee ku sugnaa xafiiskaasi.

Maayarka Magaalada Burco ayaa magaalada Nasiye ku soo dhaweeyey gudoomiyaha xisbiga Kulmiye halkaas oo uu xoolo ugu qalay Muuse Biixi isagoo sidoo kale maalmihii ugu dambeeyey Gudoomiyaha Kulmiye ugu ololeynayey gaadiidkii dawlada hoose ee Burco ee magaalada qashinka lagaga gurayey.

Sida uu sheegay Kaaliyaha Warfaafinta ee Musharaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal oo ka hadlay talaabada xukuumada Kulmiye ay ku xidhay xafiiska xisbiga Waddani ee magaalada Nasiye, waxaanu ku tilmaamay talaabadaasi sharci daro iyo ku tagrifalka awooda xukuumada.

Muniir Axmed Cigaal ayaa sidoo kale sheegay in xisbiyada mucaaridku ay xaq u leeyihiin inay meel kasta ka furtaan xafiis si lamida xisbul xaakimka Kulmiye, isla markaana aanay aqbali doonin in Calamada Xisbiga, Taageerayaashooda iyo Masuuliyiintooda in xadhig, cabudhin iyo caga-julayn joogto ah lagula kaco, isagoo arimahaasi ka hadlaya Muniir Axmed Cigaal waxa uu yidhi “Xisbiyada Qaranku sharci ayay ku dhisan yihiin, sida KULMIYE xaqa ugu leeyahay inuu goob kasta iyo gobol kasta xafiisyo ka furto ayay xisbiyada WADDANI iyo UCID na xaq ugu leeyihiin.

Waxa la yaab leh in Maanta Xisbiga KULMIYE oo adeegsanaaya awood ciidan uu albaabada u laabo xafiiskii xisbiga WADDANI ku laha magaalada Nasiye oo kamid ah degaanada hoos yimaada gobolka Togdheer.

Sidoo kale afar xubnood oo Xisbiga WADDANI ka tirsan oo ah masuuliyiintii Xisbiga ee magaaladaas ayaa Xabsiga ku jira oo ilaa hadda xidhan.” Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal waxaanu intaasi ku daray mar uu ka hadlayey sababta xukuumadu ay taaloobiynkaasi guracan ay u caadaysatay “Sababta qudha ee sidaa loo sameeyay waxa weeye casuumad uu Geel ku qalay maayarka Burco Maxamed Muraad oo la keenay Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi. Ilaa xalay ilaa Maanta Maayarku gawaadhidii Dawladda Hoose ee Burco ee ay ahayd in khashinka lagaga guro Burco ayuu la wareegaayay Tuulooyinka Baliweyn iyo Hawdka xuduudka isagoo raba inuu helo dad u camira magaalada Nasiye si uu u raali galiyo Muuse Biixi oo uu ugu sheego in Jifadiisa hoose ee reer Biniin la socoto, waana mid kamid ah sheekadii daabulka tuulooyinka ee maalmahanba lagu sasabayay laguna seexinayay Muuse Biixi.

Waxa nasiib darro ah in Maayarkii loo doortay wax qabashada adeegyadii bulshada ee Burco uu sidaa u fekero, waa dhaqanada guracan ee dalkeena ka hano qaaday ee u baahan in la suuliyo mustaqbalka haddii Alle idmo, Insha Allah WADDANI ayaa suulin doona.

Habkaas foosha xun ee iskarogooyinkii Dawladda Hoose uu dadka ugu soo gurayo ummad iska tabaalysan oo badankoodii xooluhu ka baxeen waxa yar ee uu meesha ku qalay ee cashuurtii dadweynaha Degamada Burco lagaga ururiyay uu kaga badalanayo Sawir kooda oo been ah, waxuu ku daray inuu xafiiskii Xisbiga Waddani iyo masuuliyiintii Xisbiga Ciidan Boolisa loo dalbaday oo xabsiga lagu guray.

Dhamaan calamadii Xisbiga Waddani ee degaanadaas sudhnaana ciidan ayaa loo adeegsaday, talabadaasi waa sharci darro waanu canbaaraynaynaa Xisbiga WADDANI ma aqbali doono in xarumihiisa tageerayashiisa iyo masuuliyiintiisa laysku dayo in cabudhin lagu hor joogsado.

Falkaas iyo kii Gabiley ee aad ogtihiin in gurigii Xisbiga wali ciidan haysto, waxaanu annagu u haysanaa oo u aano ah oo lagala xisaabtami doona oo dumadiisa ay tahay Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Sidii gobonimada lahayd ee Muuse Biixi looga soo dhaweeyay Oodweyne wuu ogyahay aynu dhaqanka tartanka ilaalino ummaddana yaan caadifadeeda la kicinin si xalaala ha loo tartamo haddii sharcigu shaqayn waayo, KULMIYE cidina kama jilicsana isaga ayay tahay inuu ammaanka ilaaliyo oo masuuliyadi ka saarantahay maadaama oo uu xukunkii hayo isaga ayaa KULMIYE iyo Murashaxooda iyo Xubnaha Wasiirada iyo Maayaradii ay ahayd inay Ummadda u dhaxeeyaan ee horboodaya ay u dhaq-mayaan sidii Markii Kulmiye Mucaaridka ahaa oo kale, waxaanu leenahay sharcigu ha shaqeeyo.” Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal, Kaaliyaha Warbaahinta ee Musharaxa Xisbiga Waddani.

20046784_10155513611463535_957647379818028155_n 19866284_10155476774123535_1912643170_n