Oodweyne News - Latest Somali News Update

Ninba Wixii uu Kasbado waa loo Katabiyo,

Ninba Wixii uu Kasbado waa loo Katabiyo, Muuse Biixi oo Gobaladii

Bariga Socdaal & soo dhawaynba ka helay, ayaa Gabiley Aniga ayey ii

tahay Gobolkaygii ee Ka Qufula Wadani & Cid kalaba yey cagaha soo Geline.

Muuse Biixi isagoon cidi dooran, weli meelna gaadhin, ayuu Wadankii & Goboladii kala sheegtay oo

Bari oo uu hada socdaal ku marayo lagu soo dhaweeyaa, oo weliba ku andacoodayey i doorta Qaby-

laada ayaan baabi,in oo Kulmiye & Xukuumadiisu caan ku tahay.

Bal Hadaba, Muuse Biixi hadalkiisu waa Booraan Afkii la qufulay qabarna ka hooseeyo, ee Maanaa lay

qarshaa Mindiyo laygu qali doono, bal Gabiley wuxuu ku andacooday yaan Wadani soo gelin, oo halaga

xidho xafiisyadoodii oo Ciidan Booliis uu dhigay, Bari oo dhana wuxuu ku andacoonayey cidna meel laga

sheegan maayo.

Taloow Muuse Biixi, waa kii Wasiiradiisa u ololeynaayey dhabarka ka toogtay, ee Cali Mareexaan Degm-

ada Doqoshi Cagafta kala noqday, ee Xirsi oo Madaxda Wadaniya uu markiiba gudoonsiiyey cagaf, ee

Talaw arintan Gabileyna ee uu Ciidanka hor dhigay xafiisikii Wadani, Saw Shicibka Reer gabiley kaga hor-

imanayaan anagu Nin & Xisbi qudha uma xidhnin ee Xisbiyada Reer Somaliland dhex ayaanu u nahayn, oo

uu halkaana Jabkii ugu weynaa kala kulmo, waayo Gabiley wuxuu uuse Biixi ka dhigay Gobol isagu iska

leeyahay, oo isaga mooyee cid kale soo geli karin,.

Taasina Somaliland Dimuquraadiyadeedii ay laf jab ku tahay, oo Gobolada Somaliland Ilaahaay Gobol cid

ayuu dhigay, oo Gobol kasta Xisbigii haybtiisa & Reerkiisu ku badan yahay ayaa sheegeen, oo odhan mushar-

axa uu ka soo jeedo ayuu baa soo geli kara.

sidaas Darteed, Muuse Biixi wuxuu jeexay dariiq xun oo dhaawacaysa, Somaliland & wadajirkeedii oo waa

la kala sheegeen Gobolada oo Dhibaato ayaa halkaa ka soo fool leh, hadaan Madaxda Gobolka Gabiley &

Shicibka & Wax garadka Gabiley arintaa ka hadal, oo Gobolada Kale ee Wadankana mid Xisbi ayaa sheegan

oo Gabileyna waxa lagu calaamadin Goblkii qabiilka ee muuse biixi mooye aan cid kale & Xisbi kale iman

horana waa kii Xildhibaano Xirsi uugu hanjabay Gabiley waan ka sheeganayaa oo ma soo geli karo, Imikana

Wadani xafiiskiisii loo diiday, Xafladii loo diiday oo Ciidan & askari la wareegtay, TV,yada lagawada arkayey.

Wabilaahi Tawfiiq.

 

 

 

Asha Jama