Oodweyne News - Latest Somali News Update

WAX KA BARO HAY, ADDA SIRDOONKA QARANKA JSL “NATIONAL INTELLIGENCE AGENCY N IA “ Qalinkii: Cabdiraxman Yacqub Xasan

AASAASKA HAY, ADDA SIRDOONKA QARANKA N I A

 
Ma hayo taariikh sugan oo aan helay intii aan raadinayay xogaha ku saabsan hay,addan gaar ahaan inta la ogal yahay ogaanshaheeda iyo qoraalkeedaba .
Waxaayse ku siman tahay 1991 waxaana aasaasay Ex madaxwayne Ibraahim cigaal “AUN” waxaana la yidhaahdaa Hay,adda Sirdoonka Qaranka “ National Intelligence Agency N I A” sidoo kale ma helin mana arag astaanta Hay,addan

 

 
UEEDOOYINKA LOO AASAASAY HAY, ADDA N I A
A. Raadinta,Xuuraaminta (intelligence) xogta iyo wararka.
B. Ka saadaalinta iyo dabagalka (monitoring) waxkasta oo waxtar u leh sugida iyo xasiloonida amniga qaranka.
C. Ka hortaga shirqoolada af iyo adinba kaga iman kara cadawga gudaha iyo dibada oo loola jeedo in lagu wax yeeleeyo laguna wiiqo haybada, sumcada iyo harumarka qaranka
D. Ka soo warbixinta meel kasta guddo iyo dibadba iyo cid kasta oo ay u aragto inay ku lug leedahay ama wado dibindaabyo qaran dumisnimo, curyaamin iyo wax kasta oo wax yeelo ku ah habsami u socodka hawlaha qaranka,
E. Ka turjumidda, war-bixinta iyo u kuur gelidda guuxa iyo dareenada shacbiga iyo meel kasta oo ay tabasho ka jirto iyadoo sida ugu haboon warbixin buuxda uga siinaysa Madaxweynaha arrimahaas si uu go’aanno iyo xal uga soo saaro

 

 
XILKA IYO WAAJIBAADKA HAY, ADDA N I A
1. Ururinta, xuuraaminta, lafo-guridda iyo hufidda xogta ay hesho(intelligence service);
2. Dabagalka (monitoring) iyo la socodka xaalada amniga guud ee qaranka iyo xasiloonida dalka iyo dibadaba;
3. Ka warbixinta khataraha jira ama ku soo fool leh amniga qaranka gudo iyo dibedba;
4. ka saadaalinta iyo ka warbixinta meel kasta oo ay ka iman karto khatar iyo waxyeelo qaranka ku iman karta, ka hortaga iyo gacan ku qabashada falal kasta iyo xad gudub kasta oo ah danbiyo, shirqoolo iyo hadimooyin lagu wax yeelayn karo qaranka.
5. dabagalka iyo raadinta xog kasta oo la xidhiidha danbiyada abaabulan iyo kuwa argagixisada.
6. Taageeridda iyo gacansiinta laamaha Dawladda ee qabilsan amniga iyo Dhamaan meel kasta oo kale oo ay waxtar ka geysan karaan.
7. La socodka iyo dhaqdhaqaaqa Hay’adaha shisheeye.
8. Tira koobka xog u haynta dublimaasiyiintooda (Diplomatic missions).
9. Tiro koobka ajanebiga wadanka ku sugan iyo isla markaana sugida amaanka cida ku xusan xarfaha G & i.

 

 

 

 

AWOODDA HAWLGALKA DHULKA, BADDA IYO CIRKABA EE HAY, ADDA N I A

Hay’addu waxay awood u leedahay in ay ka hawlgasho dhulka, badda iyo Cirka Jamhuuiryadda Somaliland ee ku gudo-jira xuduudihiisa caalamiga ah, waxa kale oo ay ka shaqayn kartaa meel kasta oo ka baxsan xuduudaha dalka, iyadoo la eegayo danta qaranka, marka loo baahdo.”
AGAASIMAYAASHII SOO MARAY HAY, ADDA N I A

1. Rooble Timir Cali
2. Ibraahim Doodi
3. Xuseen Kiiniyaati “laba jeer “
4. Maxamed Nuur Cismaan
5. Maxamed Nuur Xirsi
6. Jaamac Bootaan (Cirro) “ilaa hada “

 

 

 

 
Contact
Name: Abdirahman Jacob Hassam
Title: Security Manager
Tell: +252634807177
E-mail: jacobhassam@gmail.com