Oodweyne News - Latest Somali News Update

Hoggaamiye Xirsi oo Maanta Soo Qaatey Kaadhkiisa Codbixinta Doorashada ee Somaliland +SAWIRO

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI  Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan , ayaa maanta soo qaatay kaadhkiisii codeynta ee doorashooyinka Somaliland si uu u guto xaqiisa muwaadinimo ee ah in uu wax doorto la na dooran karo.

Hoggaamiye Xirsi oo kaadhkan ka soo qaatey goobta qaadashada diiwaan-gelinta Doorashada ee Sheekh Bashiir, ayaa warbaahinta u sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu kaadhkiisa soo qaato isaga oo si weyn carabka ugu dhuftay in uu sidaas oo kale ugu dhiiri-gelinaayo shacabka Somaliland ay iyagu na soo qaataan kaadhkooda codeynta ee Doorashada si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo weli ba xuquuqdooda muwaadinimo si ay uga dhabbeeyaan himiladdooda Mustaqbal.

 19905462_1748322212131863_1050227381413270972_n19990480_1748322215465196_6717642487144521460_n20046709_1748322208798530_6077396568619123262_n19959211_1748322348798516_6248820548835068142_n (1)