“ Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa inay ka xun tahay  tallaabada ka baxsan diblomaasiyadda ee ay qaaday  Soomaaliya,”

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  cambaareysay Dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya oo shaacisay inay ka xun tahay xidhiidhka wax wada qabsi ee Somaliland iyo Kenya.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa galabta soo saartay war-saxaafadeed ay jawaab adag kaga bixisay  Dawladda Soomaaliya  oo maanta sheegtay inay ka xun tahay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ay dal madax-bannaan ku sheegtay Somaliland.

 

War-murtiyeedka ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland   waxa lagu yidhi “ Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa inay ka xun tahay  tallaabada ka baxsan diblomaasiyadda ee ay qaaday  Soomaaliya, taasi oo ay ku faro-gelinayso  xidhiidhka Dawladaha Somaliland iyo Kenya,  waxaanay  intaas ku dartay  in Somaliland ay tahay  dal xor ah oo xaq u leh inuu  xidhiidh la yeesho dalalka caalamka.”

 

Warmurtiyeedkaasi waxa  lagu sheegay in Somaliland ay  soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay ku naaloonaysay dawlad wanaag isla markaana ay ahayd dal madax-bannaan oo walaalnimo iyo iskaashi la wadaaga Wadammada jaarka la ah.

 

Waxa kaloo Xukuumadda Somaliland ay ku eedaysay in tallaabooyinka Soomaaliya ay waxyeelo ku yihiin iskaashiga gobolleed ee dalalka Geeska Afrika ee u heellan inay wax wada qabsadaan.

 

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqday  Soomaaliya inay wax ka qabato caqabadaha ka haysta dhinaca  Horumarka,  Nabadgelyada  iyo Bini’aadanimada  ee ka jirta gudaheeda, intii ay  farogelin laheyd  dalalka madaxa bannaan ee ay ka mid yihiin  Kenya iyo Somaliland.

Geesta kalena,  Xukuumadda maqaarsaarka ah ee Soomaaliya,ayaa   ka gubatay  Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo 27kii Bishii June 2019, barteedka Twitterka kaga hadashay kulan Nairobi ku dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Xoghayahaya Joogtada ah ee Wasaaradda Khaarajiga Kenya Mr. Macharia Kamau.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker