Oodweyne News - Latest Somali News Update

Mr.Trump oo saxaafadii la lagdamay……….

Mr. Trump video-gan waxa laga duubay 2007 isagoo la lagdamaya ninka iska leh WWE ( World Wrestling Entertainment ) ama Crawada madadalada lagdanka ee Caalamiga ah Mr. Vince McMahon ooy si fiican isku yaqanaan .

 
Video-gii ayuu qofi wajigii Mr. Vince McMahon ku dhajiyey calaamada CNN kadibna uu kusoo tuuray barta uu ku leeyahay Barta bulshada ee Redit taasi mushkilad ma leh kuwo ka daran ba way ku jiraan Lakiin markuu Madaxweynihii Dhamaa ee Maraykan uu Tweet gareeyey tasaa cabsi gelisay Saxafiyiin faro badan waxa la sheegayaa in saxafiyiin CNN ka mid ihi Bodyguards kireysteen oo la ilaalinayo iminka waayo inta waalan baa badan Maraykan maantadan qolo ayaa Hub iyo calankii isku talaabta lahaa  la taagneyd Gettysburg  Pennsylvania oo hadhkood la dagaalamayey …
 
markaa suxufuyiintu ka badbadin mayaan haday yidhaahdaan Madaxweynihii Maraykan saxaafada xorta ha la gumaado ayuu yidhi .
 
Doraato ilaa shalayna wuxuu haystay inan wariye ah Mrs . Mika Brzezinski oo abeeheed siyaasi caan ah ahaan jiray oo dhawaan geriyooday Mr. Zbigniew Brzezinski iyada iyo ninkeeda Madaxweynihii Maraykan ayaa laba cisho Twitter -ka ka shiidayey Arrinku ma fiicna ninka Masakaxdiisa ayaa iminka la leeyahay ma fiiyowdahay …… Markaa nin ka mid qolada kaartada u dejisa Xisbiga Jamhuuriga ah ee Mr. Trump kasoo jeedo oo la yidhaah Mr. Bill Kristol ayaa mar qudha Twitter-ka kusoo qoray waarya Mr. Trump Dofaar baad tahay markaasanu dhini mudoba qufquftisa Dofaarka waa maqaleynay…

Ahmed Jigga
jooqleodawaa@gmail.com