Haweenay 93 Sano jirta oo barata Xirfada Duuliyenimada

Jaceylka ay Mollie Macartney uqabto diyaradaha wuxuu soo bilawday xilligeedii dagaalka, haddana waxay noqotay duuliye waxayna dooneysaa in gabadha 12 sano jirka ah ee ay ayeyada utahay ugudbiso jaceylka ay uqabto dalxiska iyo diyaradaha.

Maalin ay hawada daganeyd cirkana uu daruuro lahaa, ayaa Mollie oo 93-jir ah, waxay taagneyd garoon udhaw London ayadoo isu diyaarineysa casharka labaad ee duulimaadka.

“Duulimadyada caadiga ah wa caajis, waannecbahay,” ayay tiri, waxaa kale oo ay raacisay “England aad ayay u qurux badan tahay, weli ma ogaanin inay jiran goobo cagaar ah.”

Waa waxa ay sameyso marmar badan oo ay dhalashadeeda u dabaaldageyso, tan markii 70-jirk ahayd, oo ay ehowl qaban kartay. Mollie waxaa garoonka ku wehlinayay Matilda oo ah 12 sano jir, oo ayeeyo ay u tahay.

“Waan maqli jiray duullimaadyadeeda balse halkan ma imaan, si an indaheyga ugu arko. Waxan rajeynaya in ay tahay duuliye wanaagsan,” ayay tiri Matilda.

Waxay hammigeeda duuliye bilawday dagaalkii labaad ee adduunka. Waxaa ku dhiirageliyey markii ay aragtay haweeney kale oo duuliye ah.

“Markii aan kubiiray ciidanka ma ogeyn in haweenku ay duuliye noqon karan. Waxaan daawanayay haweeney bambooyiin keeneysa waxaana uheysatay in hawenka ciidanka ah aysan sidaa sameyn karin. Waxaan is dhahay, maxaad uga mid noqotay ciidanka. Waxay ila ahayd in illaa iyo hadda aan diyaarad uun mar baran doono,” ayay tiri.

Waxay qarisay da’deeda rasmiga ah ayado markaasna jirtay 16 sano waxay sheegtay inay jirtay 17 sano maadama qof kayar 17sano an ciidanka loo ogoleyn. “dhammanteen waan rabnay inan kubiirno marna marabin inay cidna nagabixiso”, ayay tiri.

Shaqadeeda waxay ahayd inay korontada iyo shidaalka maraakiibtaa. Inta badan waxay la ka shaqeyneysay ciidanka lagu keeno ama la saaro maraakiibta.

 

 

Sida dumar badan oo ka mid ahaa ciidamada, Mollie waxay waysay shaqadeeda ka dib markii uu dagaalka dhammaaday.

Mollie oo sawirro hore eegeysa

“Waxay ahayd arrin aan caadi aheyn, waxaan u baahnayn in aan wax qabano, ” ayay tiri.

Markii ay ka tagtay shaqada, Mollie waxay noqotay kaaliye caafimaad.

Sida ayeeyeeydeed, Matilda waxay leedahay rabitaan cunto oo xiiso leh. “Waa inaan si wadajir ah u shaqeysanaa, si uu midba midka kale u caawiyo oo aan xiriir wanaagsan u yeelano,” ayey tiri.

Mollie diyaaraddeeda oo duushay

Mollie ayaa Matilda u soo bandhigtay fardo marka ay 18 bilood jirsatay.

Horraantii toddobaadkan, ka hor casharka duulimaadka, Mollie iyo Matilda ayaa go’aansaday in ay tagaan wadada wadajirka ah ee Cotswolds, ee ku yaalla koonfurta England.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker