Qiso dhab ah: Kal-Maroodi Wacyi-gelin ku socota guur u-meerka

 

Kal-Maroodi: Qiso dhab ah
Wacyi-gelin ku socota guur-u-meerka

Maroodigu waa Xayawaanka keli ah ee qalbi-jab u dhiman kara haddii uu waayo lammaanihiisa. Marka mid kamid ah lammaanaha Maroodigu uu geeryoodo, ka soo hadhay wuxu ka soomaa biyaha, cuntada iyo hadhka. Sida uu u ilmaynayo ayuu macaluul u dhintaa.

Iyada oo aan taas maanka ku hayo baa waxa i soo gaadhay qisadan.
Magaalo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka, ayaa waxa muddo 12 bilood ah ku wada sheekaysanay laba dhalinyaro ah oo aad isu jeclaaday. Xitaa rabitaanka iyo jacaylka aawadii inantu waxay u baajisay fiise ay Amerika ku tegi lahayd. Waxay aamintay in aanay ninkaa ay jeceshahay la’aantii noolaan karin, waxay kale oo aamintay in aanay noloshu in ay tahay Farxadda, halka keli ah ee ay farxad ka heli kartaana ay tahay hanashada wiilka ay calmatay.

Jacaylkoodu wuxu ahaa mid tisqaaday, dhalinta labadooda ku dhow-dhowina way ogaayeen, xitaa waxa isku arkay iyaga oo wada socda wiil inanta ay ilmaadeer yihiin, Laakiin sidii dhaqanka u ahayd hablaha’ xishood dartii way dafirtay in ay wax ka dhexeeyaan iyada iyo wiilka oo waxay tidhi inanka waxanu nahay walaalo ilaahay:
Waxa soo dhowaatay xilligii guurka. Subaxda Khamiista in meherku dhaco ayaa loo ballamay. Talaadadii ayuu wiilkii isku arkay xanuun aan badnayn, isaga oo dareemay infection iyo jidhka oo cuncunaya, kaadiduna dhibayso. Subaxnimadii Arbacada ayuu farmasi tegey si uu isu shaybaaro, isla maqribkiiba jawaabtii baa soo baxday. Farmasiga waxa ka shaqeeya inankii ay inanta ilmaadeerka yihiin.

Habeenkii oo dhan buu inaadeerkeed soo wacayey laakiin may ka qaban maaddaama ay qaban-qaabo aroos ku jirto. 5tii subaxnimo ee Khamiista ayuu haddana ku soo bilaabay telefoonkii. 7dii subaxnimo bay ka qabatay, xitaa ma’ salaamin ee wuxu ku bilaabay ninka maanta ku guursanaya magaciisa oo saddexan ii sheeg, maxaad ka rabtaa, Card kaagii miyaan laguu keenin, asaraar, muran iyo mooyi bay ku xiijisay. Meel ay joogtaba isma oga, waxay u caleemo saaran tahay caruusad heshay ‘xulumul xayaat keedii’ riyadii nolosheeda: Aakhirkii isagii baa ku yidhi ma la yidhaahdaa Hebel Hebel Hebel. Haaa bay tidhi iyada oo yaa baan, Hadda iigu kaalay Farmashiigii! ayuu isaga oo gariiraya ku yidhi. Naxdin weynaa. iyada oo werwersan ayay farmasigii tagtay. Inankii saacad kaddib saygeeda noqon lahaa waxaa laga helay xanuunkii xumaa!

Waatan inantii oo hadlaysaa:

Kal Maroodi caashaqu
Kadeed iyo dhibtuu bado
Ama Kaaha waaberi
Kalgacaylka subixii
Shimbiruhu ku heesaan
Ama Geel Kareeb ihi
Kaarkiyo lurkuu qabo
Iyo Aniga kay-helay
Kulaylkiyo hafeeftiyo
Kurbaday wadaagaan

Kunka kaan ka doortow
Haddii aad Kurdheeriyo
Buuraha Korkoodiyo
Iga fuushay Karin-dheer
Ama webi Kardhanayaa
Kala xidhay jacaylkii
Oo Kalaminjaariyo
Kala geeyey Daaliyo
Kaaraamardhiyo Saw
Ama uu Kal iyo suul
Kabmi waayey ruuggii
Saxaraha ku Kala jabay
Ku illaawi mayee
Kobocyoo Jacayl kii
Kaarkiyo lurkiisii
Hadduu iigu kulul Yahay
Noloshaase Kaafkiyo
Kala Dheeridaas lee
Kaal iyo Dhunkaal iyo
Kabbo aan la liqi karin
Noqotaye Kashaydow
Adna Keli ku noolow
Anna Waxan Ku qoray buug
Inaan nahay Kudayashada
Laba Wada Kadeedmiyo
Kalluunkii sagaal qaday

Daauusku Waa kow
Qurux Koonka laga helo
Nabar baase Kaga yaal
Kelidiyo Halbawlaa
Adna waxa Ka siman tiin
Nolol lagu Kadeedmiyo
Kaar aan dawa lahayn
Kur Yaxaasna lama galo

Jacaylkaygu waa Kuul
Waa Kaysar iyo Luul
Waa kawkaw Qurux badan
Kun habeen la daawado
Sida Ubaxa Kaymaa
Waa Kalsooni caashaqu
Waa Kadinka noloshiyo
Laga galo Ku hirashada
Cilmi Kiisi bay helay
Cabla waan Ka daranahay
Nafta Waxan ku Koriyaa
Kelmadaha xusuusta leh
Iyo sawiro Kala maqan

Cismaaan Abokor Dubbe
Buugga Suugaanta Mangalool

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker