Xildhibaan Barkhad Oo Ganacsatada Roodhida Ee shacabka isu’dhaarsaday ay danbi Qaran galeen

Xildhibaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, kana mida mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in nimanka leh warshadaha Roodhida soo saara ee shacabka isu’dhaarsaday ay danbi Qaran galeen, loona baahna in saaka ay jeelka ku jiraan.

Sidoo kale waxa uu xusay in loo yeedho wasiirka wasaaradda ganacsiga.
Xildhibaan Barkhad isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Goolaheena wakiilladdu xisbiyo iyo xukuumad wakiil kama ahe, wuxu wakiil ka yahay shacabka.
Waa maxay sababta aynu Ajendaha ugu soo diri waynay Shacabka Roodhida ay cunayeen la isku dhaarsanayey in lagu qaaliyeeyo ?
Haddaba waa in wasiirka ganacsiga loo yeedho xilkana ha laga xayuubiyo.
Saaka nimankaasi in ay xabsiga ay ku jiraan ayay ahayd dembi Qaran ayey shacabka ka galeen.”

 

halkan hoose ka daawo  Ganacsatada roodhida oo isku dhaarsaday in ay dadka ku qaaliyeeyaan roodhida.

 Ganacsatada roodhida oo isku dhaarsaday in ay dadka ku qaaliyeeyaan roodhida.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker