Weerar Lagu Diley Askar Kenyan Ah Oo Dhacay Gudaha Dalka Kenya

Ugu yaraan labo askari oo Booliska Kenya ah ayaa lagu diley 12 kalana waa lagu dhaawacay shalay kadib markii weerar gaadmo ah oo lagu qaaday baabuur ay saarnaayeen ciidamo booliis ah.

Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi Bari Rono Bunei ayaa sheegay in gaariga xamuulka ah ee booliiska GKB 954T oo ka soo ambabaxay degmada Rhamu kuna sii jeeday magaalada Mandheera ay weerar ku qaadeen Al-shabaab xilli uu marayay meel 40-km u jirta magaalada Mandheera.

Rono Bunei ayaa xaqiijiyay dhacdadan, wuxuuna sheegay in ciidamo xoojin ah ay u direen dhulka si ay uga daba tagaan kooxda weerarka geysatay.

“Dadka dhaawacmay waxaa loo duuliyay Nairobi halkaas oo lagu daweynayo, saraakiil kale ayaa hadda ku sugan aagga ay ku baacsanayaan dagaalyahannada,”ayuu yidhi Bunei.

Deegaanada ku dhow xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ayay dagaalyahannada Alshabaab inta badan weeraro ka geysta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker