Dawladda Itoobiya Xidhayso Dugsiyada sare ee dalka Iyo Sababta?

Dowlada Itoobiya ayaa shaacisay in ay xidhayaan mudo kooban dugsiyada sare ee dalkaasi kuyaala si ardayda la fasaxay dadka beeraleyda ahi ee ku maqan safka hore ee dagaalka ka dhanka ah TPLF uga caawiyaan goosashada dalagyada beeraha.

Wasiirka waxbarashada dalka Itoobiya ayaa Warbaahinta dalkaasi u sheegtay in dugsiyada sare ay xidhnaan doonaan muddo hal usbuuc ah oo ka billaabanaysa maalinta isniinta ee soo socota.

Dowlada ayaana dooneysa in ardayda iskuulada loo xidhay in ay gacan ka geestaan goosashada dalagyada beeraha oo dadkii lahaa qaarkood ku biireen ciidamada dowlada si ay gacan uga siiyaan dagaalka ka dhanka ah TPLF.

Dugsiyada sare ee la xidhayo ayaa waxaa ku jira kuwa dowlad deegaanka aysan ka jirin colaado, waxaana ardayda kunool dowlad deegaanka maamulka sheegeen in ay qaban doonaan mudada isbuuca howlo danguud ah.

Malaayiin arday ah ayey saameyn ku yeesheen colaada ka aloosan gobolka Tigrey, waxaana colaada Itoobiya sababtay in arday badan dagaalka ku dhintaan halka kuwa kalana ay barakaceen.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker