Iran iyo Taliban oo ku dagaallamay xadka ay labada dal wadaagaan

Taliban iyo Iran ayaa xaqiijiyay in dagaal uu ka dhex qarxay ciidamada ilaalada xuduudda ee labada dal, laakin uusan dagaalkaasi geysan wax khasaare ah.

Warsaxaafadeed uu habeenkii xalay ahaa baahiyay afhayeenka Taliban Zabiullah Mujahid ayuu ku sheegay in is faham-darro ciidamada ah uu dhaliyay dagaalka ka dhacay gobolka Nimruz ee Afghanistan oo ku yaalla xuduudda.

Mujahid ayaa sheegay in xaalku uu hadda deggan yahay ayna hoggaanka Taliban soo saareen tallaabooyin looga hortagayo in isfaham-waa noocaan ah oo markale dhaco.

Warbaahinta Iran ayaa ku eedeeyay Taliban in ay dagaalka bilowday ka dib markii ay Arbacadii rasaas ku furtay fariisin ay lahaayeen ciidamada Iran, ka dib jahawareer ku aaddan marinka soohdinta labada dhinac.

Wakaaladda wararka Iran ayaa beenisay in askari looga qabsaday dagaalka.

Iran ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Shiinaha, Pakistan iyo Turkey kuwaasi oo safaaradahooda ay wali ka sii furan yihiin Kabul ka dib markii kooxdan Islaamiga ah ay saddex bilood ka hor la wareegtay gacan ku heynta Afghanistan ka dib markii ay dalkaasi ka bexeen ciidamadii huwanta ee uu Mareykanku hoggaaminayay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker