Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-786/122021 iyo JSL/XM/WM/222-787/122021 uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey gudoomiye gobol.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Ku: Maxamed Cilmi Xuseen,
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane,
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.
*******************************************************
UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aansaday;
In Axmed Cabdi Muuse Warsame, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker