Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay wararka sheegaya in ay taageertay dagaalka Tigrey

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay dhex ka tahay arrimaha Itoobiya.

Wasiir Ciise ayaa sheegay in Somaliland ay soo dhawaynayso dadaalkasta oo keenaya in Itoobiya nabad lagu soo dabaalo, balse mawqifka siyaasada arrimaha dibada Somaliland uu yahay in anay Somaliland faragalin siyaasada arrimaha gudaha dal kale.

Waxaanu yidhi Dr. Ciise. “Waxaanu taageer sanahay waxkasta oo nabadgelyo iyo dhex dhexaadin ah oo Itoobiya ka socda, anaga Somaliland ahaan in aanan faragalin siyaasada gudaha ee Itoobiya weeyan mowqifka siyaasadayada arrimaha dibadda”.

Wasiirka oo ka ayaa dhinaca kale sheegay in madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida iyo madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ay ka wada hadleen amniga, iskaashiga iyo arrimo la xidhiidha sirdoonka.

Waxaanu yidhi.”Iskaashi uunbaa laga hadlay, nabad galyada ayaa laga hadlay iyo in la is waydaarsado sirdoonka, xidhiidhkii caadiga ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland ka dhaxayn jiray uun baa laga wada hadlay”

Kadib kulankii Hargaysa ku dhex maray madaxweyne Mustafe Cagjar iyo madaxweyne Muuse Biixi, ayay warbaahinta dowlada Itoobiya ee EBC oo ka waramaysay wixii laga wada hadlay sheegtay in madaxweynaha Somaliland taageeray dagaalka Itoobiya kula jirto Tigrey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker