Maxkamada gobolka Togdheer Oo Xukuntay in la bur-buriyo 941 litir oo khamri ah

941 litir oo khamri ah ayay xukuntay maxkamada gobolka Togdheer in la bur-buriyo.
Sidoo kale maxkamaddu waxay amartay in la gubo 10 kiiloo oo xashiishad ah.
Eedaysaneyaashii u xidhnaa maan-dooriyeyaashaas oo ahaa lix ayay iyana waxay maxkamada gobolkaasi ku riday xadhig u dhexeeya 5 illaa 6 sanno.
Muddooyinkii u dambeeyay waxa soo badanaayay noocyada kala duwan ee maandooriyeyaasha dalka soo gala ee ay ciidamada boolisku gacanta ku soo dhigaan.
Ciidamada booliska Somaliland oo kaashanaya bulshada ayaa inta badan ku hawlan cidhibtirka noocyada maandooriyaha kala duwan ee dalka iyo dadka ragaadiyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker