Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Oo Ugu Baaqay Kooxda TPLF inay isa soo dhiibaan

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay Kooxda TPLF inay isa soo dhiibaan isagoo ku dooday in xoogagga dowladda ay qarka u saaran yihiin guul inay collaada ka gaaraan isbuuc ka dib markii uu safka hore ee dagaalka iska xaadiriyo.

“Dhallinyaradii Tigray, waxay u daadanayaan sidii caleemihii geedka. Way ogyihiin inaysan guul arki doonin. Waxaa hoggaaminaya mid bilaa hadaf ah,” ayuu yidhi Abiy.

Abiy, oo ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda sanaddii 2019 ayaa hadalkan ka sheegay fariin laga baahiyay warbaahinta dowladda.

“Waa in aad is dhiibtaan maanta oo isu dhiibtaan ciidammada difaaca qaranka, ciidammada gaarka ah, maleeshiyaadka inala shaqeeya ama shacabkaba” ayuu intaas ku daray

Muuqaalkan soo baxay maanta ayaa ahaa kii ug dambeeyay muuqaallo taxane ah oo uu Abiy ka so dirayay jiidda hore ee dagaalka isagoo ku lebbisan dhar milatari kuna sugan gobolka waqooyi bari ee Afarta.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker