Oodweyne News - Latest Somali News Update

Muwaadin Mashruuca Khaatumo Caashuurtaada Lagu Cunayo Fari Kama Qodna

Kulay heshiis walba oo la galo waa mid leh guul iyo guul darro balse todobaadkan heshiis dhex maray koox ka tirsan maamul iskii isu magacaabay oo aan xataa saldhig lahyn ee khaatumo ayaa la sheegayaa in ay heshiis buuxda la galeen dowlada xiligeedi dhamaaday ee Kulmiye

 

 

Heshiiskan mudo socday oo soo maray dhawr marxaladood oo kala duwan
Wadahadal labada dhinac ku dhex maray dalka Jabuuti
Wadahadal dowlada iyo Cali Khaliif ku dhex maray Hargeisa
Iyo heshiiskan la sheegayo iyo mid isna Burco lagu qaban doono bisha dambe hadii eebe yidhaahdo
Halkaa waxaa ka muuqda madmadow badan marka la eego cida gacanta kula jirta cida maamulaysa iyo cida lala hadlayo oo aan iyadu wada socon bal tusaale Cali Khaliif maaha siyaasi ay talada beeshu ka go’odo maanta taas waxaa markhaati ka ah madax dhaqameedka beesha kuwooda ugu waaweyn iyo jaaliyadaha oo aan ka xusi karo jaaliyada balaadhan ee degta Nayroobi kuwaas oo dhamaan gacanta ku saydhay heshiiskan halka ay deegaanada ay ka soo jeedaana mid la mid ah ku qaabileen heshiiskan ay wataan labo Cali iyo Kulmiye oo adeegsanaya musharaxceebeys Faysal Cali Waraabe oo isna qaybtiisa ka guranaya xoogaha caashuurta ee lagu mustafeeyey Cali Khaliif oo warar na soo gaadhayaa ku sheegeen ugu yaraan shan million oo dollar si uu Cali Khalif Somaliland uga mid noqon lahaa
Hadaba muwaadin mashruucan mid la mid ah ayaa hore loogu soo xero galiyey wasiirka caafimaadka Somaliland ee xiligan Xaglotoosiye oo hore u ahaan jiray hogaamiyaha dagaalka jabhadii la magac baxday SSC balse markii dambe magaceeda loo bedelay Khaatumo
Lagama yaabo in bulshada ku nool gobolada bari ee ka soo jeeda beelahani ku imanayaan gacan haadinta siyaasiyiin danahooda raacay oo aan ka turjumi karim asiirka siyaasadeed ee ummada ku abtirsata goboladaas soo dhaweynta Cali Khaliif waxba kama duwana tii Professor Samatar oo aan wax weyn ku soo kordhin siyaasada arrimaha gudaha iyo dibeda Somaliland hasha magaceeda mooyaane.
Daahir Sancaani