Oodweyne News - Latest Somali News Update

Qudustii Islaamkuba Lahaa Quustay Wa Hore,e Qalbigaa Engega Ruux Hadduu Quuto Booliga …

Qaybsanaantu Waxay Kala Dishaa Qayro Wada Taale 

·         Qabiillnimo Islaam Baan U Ahay Qoonki Nebigiiye(Scw)

·         Qolo Hoose Iguma Baxdoo Waan  Qabwaynahaye

·         Wayadan Qamuunyan U Go,ay Qaabkan Ay Tahaye

·         Waxba Yaan Rayskaygu Qaban Carabta Qaarkeede

·         Waxba Yaan Caleemaha Qurxoon Qoorta Loo Sudhine

·         Waxba Yayna Qabillin Ru’aas Roogna Loo Qubine

·         Waxba   Yaanan Qarash Xoogle Iyo Quudna Laysiine

·         Waxba Yaan Sucuudigu In Badan Qaadan Xoolaha,e

·         Waxba Yaan Marsana Lay Qorshayn Oo Qoondo Laysiine

·         Waxba Yaan Mushahar Laygu Qorin Qaan An Leeyahaye

·         Mar Haddii Islaamkii Is Khatalay Waan Qandhaysnahaye

·         Falastiin Qolbaa Laguxidhay  Qadarna Waa Taase

·         Qibladii Warkii Nooga Yimi Waan Ka Qoonahaye

·         Gaaladu Sharkay Qoolayeen Qaate Carabtiiye

·         Ameerikaanku Kama Qaalibmeen Qoonka  Carabeede

·         Khayrkood Kahadhyaal Muluug Qaybisaa Timiye

·         Daaquudka Qaahira Xukuma  Bu Qabaansaday

·         Jarmalkaba Waxa Loo Qabsaday Yuna Soo Qumine

·         Carabtuna Qarbay Saarantahay Qoolki Loo Dhigaye

·         Qudustii Islaamkuba Lahaa Quustay Wa Hore,e

·         Qalbigaa Engega Ruux Hadduu Quuto Booliga,ehe

·         Maskaxdii Qafilan Buuna Gelin Hadalka Qaarkiiye

·         Aniguna Qiyaastayda Gabay Waxan Ku Soo Qayday

·         Gaaladu Qiyaamay Wadaa  Taniyo Qaabiile

·         Inaguna Qabiilaynu Nahay Qaybsan Abidkoode

·         Qoqobaha Dhexdeena Ah Islaam  Qeexi Kariwaaye

·         Insha Allaahu Qaarbaynu Heli Qaada Oodaha,e

 

Source: Cabdixaafid Axmed Hurre

cabdixaafidm2016@gmail.com