Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Oo Qaabilay Madax Ka Socotay Hay’adda UNSOM.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa qaabilay madax ka socotay Hay’adda UNSOM.

Guddoomiyaha oo uu wehelinayay lataliyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay, mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan hawlgalada Somaliland iyo Soomaaliya ee (UNSOM) oo ay hoggaaminaysay madaxa ilaalinta xuquuqda Aadamaha ee UNSOM, marwo Kurstan Young oo ay wehelinayeen Sea Mawalla iyo Axmed Cismaan Jaamac oo ah saraakiil dhanka xuquuqda aadamaha ah.

Ugu horayn kulanka ayaa ku bilaabmay is-xog-waraysi guud oo la xidhiidha iskaashiga ka dhexeeya hay’adda UNSOM iyo Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan waaxda garsoorka dalka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa mas’uuliyiinta uga waramay sida garsoorka dalku ahmiyad gaar ah u siiyo arrimaha la xidhiidha xuquuqda aadamaha, waxaanu xusay in doorka ugu weyn ee garsoorka dalku bulshada ugu jiraa yahay ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo helida xaqa ay baadi-goobayaan muwaadiniintu. Sidoo kale waxa uu tibaaxay in adeeg garsoor, oo hufan laga hirgaliyay dhammaan deegaanada dalka.

Geestooda mas’uuliyiinta ka socday hay’adda UNSOM ayaa soo dhaweeyay dadaalada ay Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan hay’adda garsoorka iyo hay’adaha la hal-maala ugu jiraan arrimaha la xidhiidha xuquuqda aadamaha.

Marwo Kurstan Young madaxa ilaalinta xuquuqda aadamaha ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan hawlgalada Somaliland iyo Soomaaliya (UNSOM), ayaa Maxkamadda Sare uga mahadcelisay doorka iyo wada shaqaynta fiican ee ay ka qaadato, dacwadaha la xidhiidha arrimaha xuquuqul insaanka iyo dadka nugul, waxaanay tibaaxday in ay geestooda xoojinayaan xidhiidhka ay la leeyihiin hay’adda garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker