Oodweyne News - Latest Somali News Update

SWEDEN: Qaab Cusub Oo Loogu Shaqaaleynayo Dadka Dalka Ku Cusub

Sweden(OWN)-  Qaab cusub oo la doonayo in loogu sahlayo dadka dalka Sweden ku  cusub ee suuqa shaqada ku adkaaday ayaa hadda waxa ka xaajoonaya ururada shaqobaxiyaasha iyo iskaashatada.

 

Qorshaha cusub ayaa waxuu yahay in shaqo baxiyaha uu qof dalka ku cusub mushaar ahaan u siinyo 8000 halka dowladda dhankeeda ku taakuleyneyso shaqa qaataha 8000  karoon.

 

Wasiirka shaqada Ylva Johansson (S)  eee Sweden ayaa la dhacsan in arrintan hadda ka xaajoodaan dhinacyada suuqa sahqada, waxaanay tidhi ”  Waxaan qabaa in aan u baahanahay dhabayaal cusub guud ahaan suuqada shaqada si aan u maareyno caqabaha ah la xidhiidha dadka dalka ku cusub, aad ayaan ula dhacsanahay in dhinacyada suuqa shaqada ay masuuliyad arrintan iska saaraan ”

 

Ylva Johansson waxay ka gaabsatay in ay faafaahin ka baxiso qorshan cusub ka hor inta ay dhinacyada heshiis buuxa ka gaarayaan.

 

“Haddi garabyada arrintan isku afgartaan dowladda way garab istaagaysaa, sida arrintan lagu hirgelinayo waxaa ka hadli doonaa marka ay dhinacyada is afragartaan , qaabadkan cusub waxaan qabaa in ay u baahan tahay in laga fiirsado si canshuurta dadweynaha loogu adeegsado sida ugu haboon oo dadka ku cusub suuqa shaqada u ahaadan kuwo saldhigta, qorshahaan na aanuu  u noqon mid ku meel gaadh ah, waayo aragnimadeyda waxay tahay in marka ururada shaaqaalaha in shaqobaxiyaasha wax ku heshiiyan in ay waxa lagu hesshiyey ay noqoto mid aan yeealn saameyn qaldan” ayey tidhi Ylva Johansson

Delad bild: Person hos en handläggare och Ylva Johansson.