Oodweyne News - Latest Somali News Update

Gabadh Muslim Ah Oo La Afduubtay, kadibna Lagu Dilay Virginia Ee Dalka Maraykanka

Virginia(OWN)- Booliska gobolka Virginia ee dalka Maraykanka  ayaa nin kusoo oogay dacwad ku saabsan inuu dil u geystay gabar 17 jir muslim ah, kadib markii uu weeraray ayada iyo saaxiibadeed oo socda meel ku dhow masjid ku yaalla duleedka magaalada Washington DC.

 

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inuu jiray muran dhex maray labada dhinac, islamarkaana saaxiibadii la socday gabadha ay carareen kadib markii ninka uu kasoo degay baabuurkiisa, oo uu weeraray gabadha.

 

Saacdo baaritaan ah kadib ayaa meydka gabadha laga heley meel shan KM u jirta masjidka xarunta All Dulles Area Muslim Society (ADAMS). Masjidka ADAMS ayaa ku yaalla magaalada Sterling ee gobolka Virginia, oo 50 KM u jirta magaalada Washington DC.

 

Intii lagu guda jiray baaritaanka ayaa booliiska waxa ay arkeen baabuur si xowli ah ku socda, oo ay istaajiyeen, waxayna kadib xidheen Martinez Torres oo ah 22 jir lagu tuhmayo dilka.