Oodweyne News - Latest Somali News Update

PROF Cali khaliif galaydh siyaasi macquula[ hadaad haysaa xadhigii laga garaacayay]

Jamhuuriyada Somaliland  waxay ay tahay mid lawada leeeyahay

bil macna kalimah mid lawada leeyahay oon lakala lahayn

hase ahaatee waxay mudo   haysay walina haysaa   wado/ dariiq  qaldan

waxa ilaa hada ka taagan dhibaatooyinka hoos ku xusan

1- Dad yar oo kaligood ku shaqaysata dalkana manaafacaadsada[ umada inteeda kalana ilaa hada qatan yihiin].

2- Qabyaalad iyo  nin kala jeclaysi xataa shaqadu noqotay garab [ dadka inta kalana afku dheeraaday siday meelaha u fadhiyaan with out job  shaqo la,aan].

3- DEGAANADA qaar kood oo la yidhi iska  kaaya daawada/fiirsada sidaanu wax u cunayno[ macnuhu waxa weeye iska kaaya ag jog jooga hana hadlina ].

4- ciidamo loo samaystay umada oo hadii aad yar nuux nuuxsato saqda dhexe ku miraaya oo guryaha inta salaamo loo dhigto dusha lagaga soo daadanyo[ arimahan oo kale xataa dawladiisiyaad bare ahn laguma arag.[  tolow maxaa laga dagaalamay ].

Hadaba waxaad mooda ta mudane profisor cali khaliif galayd

 uu diiday inay tahay tan ah iska kaaya ag joog jooga oo na daawada

sidana kama dhacdo aduunyada korkeeda kaliya waxay ka suurta gasha

dadka inta aaan  AWOODA LAHAYN ama caqligu ku yar yahay ama aad u liita.

Waa hubaal in nimankan odayaasha ah  ee hada dalka maamula inay yihiin rag aqoonyahana oo  ku shaqaynaaya siyaasado xeel dheer [ nidaamka qaybiyoo xukun ].

Mudane profisor cali khaliif waxa hada ku  talaabsaday wadadii uu maray madaxwaynihii hore ee soomaliland mudane daahir riyaale kaahin,

waana hubaal in uu ku najaxayo quruskiisana banaanka loo dhigaayo haduu soo jeestay

xataa  waxaa  iman karta isbahaysiga  darafyada

taasina waxay keeni karta in xulafada hada maamusha dalka oo ah koox khubaro ah

in laga guulaysan karo.

Mudani cali khaliif galayd muxuu samayn karaa good question ?

.waxa uu samayn karaa  asagoo fahma in dad badan oo somalilander ah

oo xaga siyaasada laga awood batay ay jiraan una baahan inuu xagiisa keeno

dadkaas oo degaan ahaan kasoo jeeda  degaamada beelaha dhexe.

dadkan oo  khubaro xeel dheeri  heshay runtiina wax mustaqbala aan ku lahayn saaxada siyaasada  waxa suurta gala in aad shinbir u noqoto.

. waxa kaloo uu samayn karaa asagoo abaabula siyaasad waafiya oo uu ka iibin karo dhamaan bulshada soomaliland dhanka galbeedka iyo barigaba iyo degaanada lagaga awood batay xagadhaqalaaha iyo siyaasada .

Kalmadan ah dadka  lagaga awood batay xaga dhaqalaaha iyo siyaasada  waxay noqon doonta kalmad hada hirgalaysa madaama ay tahay mid runta ku dhow

waana mid aniga iga timu haba ku jirto  afsoomaligee isticmaalkeeda Ayaan la dhugan iyo halkaykhusayso.

inkasta oo aanan cali kula taliyeen in soomaliland ay yeelato magac kale  fikirkaasi waxa uu abuuraya  marxalad kale oo aan laga gayoon Karin .

HADA tartanku wuxuu jogaa sadex  xisbi wadani . ucid .kulmiye

waqtigana  waxa la sugaya doorashada qabsoomaysa dhawaan bilo kadib

1.Mudane cabdiraxmaan ciro xisbiga wadani

2. mudane muuse biixi xisbiga kulmiye

3. mudane faysal cali waraabe xisbiga ucid

wabilaahi tawfiiq

siciid cabdi dheen

siciiddheen@outlook.com

London / united kindom