Oodweyne News - Latest Somali News Update

Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Ninkii Dilay Wasiir Siraaji

Muqdisho(OWN)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday ragii loo haystay in ay ka dambeeyeen dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji oo ahaa wasiiirkii hawlaha guud iyo dib udhiska xukuumadda Federaalka Somaliya.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda.