Oodweyne News - Latest Somali News Update

Xildhibaan Baaq Nabadeed u Diray Beelo Dagaal ku Dhex-maray Gobolka Sanaag

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa baaq nabadeed u diray labo beelood oo walaalo ah oo shaqaaqo ku dhex martay degmada Biyoguduud oo ka tirsan gobolka Sanaag.

 

 

Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa waxa uu sheegay in ay labo qof ku dhinteen iska hor imaad dhex maray labo beelood oo wada daga degmada Biyoguduud, waxaana uu tilmaamay inuu aad uga xun yahay in dhimasho timaado iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

 

Xildhibaanka oo arrimaahasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan baaq nabadeed u dirayaa labo beelood oo walaalo ah oo isku laayay tuulada  degmada Biyoguduud oo ka tirsan gobalka Sanaag, waxaanan ILLAAHAY  ka rajaynayaa in uu burcad isku mariyo, waana wax ILLAAHAY qadaray, waxaana aan rajaynayaa in aanay halkaa dhaafin oo la soo afjaro., wax macno leh iyo wax   laysku qabsadana garanmaayo oo deegaanku waa badan yahay, aad baanan uga xumahay geeridaa ku timid labada inan  iyo  dilkaa  dhacay  iyadoo aynu ku jirno bil Ramadaan, magaaladuna waxay ku fiican tahay in la wado-dago waxaana fiican in bulshadu meel wada daganaato, macnana samayn mayso in reer kaliya meel dago.”