Maxaa xilligan keenay isu soo dhawaanshaha Turkiga iyo Imaaraadka?

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, ayaa Ankara ku kala saxiixday dhowr heshiis oo maalgashi iyo iskaashi isugu jira, xilli labada waddan ay dib u wanaajinayaan xiriirkooda xumaa sanadihii dambe.

Dhaxal-sugaha oo loo arko inuu yahay ninka ugu awoodda badan Isutagga Imaaraadka Carabta isla markaana jiheeya siyaasadda arrimaha dibedda ee waddankaas ayaa markii ugu horreysay muddo 9 sano ah booqday Turkiga.

Khilaafka diblomaasi ee u dhexeeyay Ankara iyo Abu Dhabi ayaa saameeyay Bariga Dhexe, waxaana labada waddan ay kala taageereen dhinacyada ku dagaallamaya Liibiya, xasaradaha ka taagnaa Khaliijka iyo weliba muranka salka ku hayay bariga badda Mediterranean.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa bishii September warbaahinta u sheegay in “jawi wanaagsan uu dhawaan geli doono xidhiidhka Turkiga iyo Imaaraadka.”
Xukuumadda Ankara ayaa bilihii la soo dhaafay wadday dedaallo ay ku wanaajinayso xidhiidhka kala dhexeeya waddamada Carabta.

Waxaa la tilmaamay in dedaalladaas uu hormuudka u yahay madaxweyne Erdogan looga gol leeyahay in Turkiga uu ku helo fursado dheeraad ah oo culayska ka qaadi kara dhaqaalaha sii liicaya ee waddankaas.

Heshiiska maalgashi
Dhaxal-suge Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa shaaca ka qaaday in sanduuq maalgashi oo ku kacaya 10 bilyan oo dollar uu dalkiisa ugu talagalay Turkiga, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee WAM.

Dhaqaalaha ayaa inta badan lagu maalgelin doonaa waaxaha tamarta iyo caafimaadka Turkiga.

“Tallaabadan ayaa ah mid lagu taageerayo dhaqaalaha Turkiga, isla markaana lagu xoojinayo iskaashiga labada waddan,” ayay qortay wakaaladda wararka ee WAM.

Dhanka kale, Imaaraadka ayaa doonaya inuu boorka ka jafo siyaasaddiisa arrimaha dibedda, kadib markii siduu rabay ay u noqon weyday xayiraaddii ay inta badan waddamada Khaliijka saareen Qatar bartamihii 2017.

Turkiga oo saaxiib dhaw la ah Qatar ayaa xilligaas u gurmaday Dooxa, waxaana uu xoojiyay saldhig milateri oo uu halkaa ku leeyahay.

Shuruudaha ay wateen afarta waddan ee go’doomiyay Qatar ayaa waxaa kamid ahaa in Dooxa ay erido ciidamada Turkiga, balse taa lagama yeelin oo waxaa lagu tilmaamay mid meel ka dhac ku ah madaxbanaannida dhuleed ee dalkaas yar.

Khilaafkii u dhexeeyay Qatar iyo dalalka go’doomiyay ayaa heshiis laga gaaray horraantii sanadkan, kadib heshiis lagu saxiixay Sacuudi Carabiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker