Oodweyne News - Latest Somali News Update

Taliyaha Booliska Somaliland: Duudsi, Dayac iyo Dil Ayaa Lagu Xasuusan Doonaa

Qaybtan labaad waxa aan ku xusayaa xadhigii Guddoomiyaha Dhallinyarada Waddani loo geystay iyadoo waddo loo bannanayo fooqa Marwada Madaxweynaha, barbaarta tahriibka door bidday markii xabsiyada xabsiyada laga buuxiyay, toogashadii dhallinyarada XAQSOOR, dilkii ubadka Maxuun Mujaahid Axmed Jabbaan, sida uu Cabdillaahi Fadal hareeraraha u eego isaga oo salaad tukanaya. Ugu dambaynna waxa aan xusayaa sida Cabdillaahi Fadal halista ugu jiro cuqubo qoyskiisa haleesha, haddii aanu faraha kala bixin dhagarta uu walaaqanayo.
Abwaan Maxamed Maxamuud Yuusuf Waxa uu yidhi

 

 

Maxastoon digniin qabin kolkii, muuni lagu boobay
Moodkooda cagaftii kolkii, maangad lagu saydhay
Ee maayar jaahili shacbiga, moofo gelinaayay
Marwo Aaminaa aawadeed, maati loo galaye
Madaxtooyadeennaa lahayd, ii muraad-fuliye
Masaakiinta aad duudsideen, laga madoobaaye
Manaayaha bulshada gaadhay iyo, maasha lagu toosay
Wuu madax bannaan yahay ninkii, “maya” yidhaahdaaye
Waxaad Maxamed iyo Yooniskii, jeelka ugu miistay
Waa mucaarid lama doonayee, ii muxaafida’e

Mar Mujaahidkeennii Jabbaan, maalin lala haaday
Mijiyo dhallaankiisii baad, madaxa goyseene
In maxbuus rasaas lagu furaa, waa midh noo ugube
Musuqmaasuq goortii XAQSOOR, maandhe lagu reebay
Intii aad carruur mooriseen, Miimku wuu qoraye

Saraakiisha meeqaam haddii, jaalle lagu miidho
Mafsuus baan ku noqon-laa samaa, kamana maageene
Marwo dumara kii qabaad, meel u xulataaye
Macno-laawe xididkaad beryahan, meel u xulataaye
Axmed-dhagaxna Muusaan gu’yaal, cidi ka maarayne
Malluuqiisa waad daawataa, maalin iyo layle
Marraa-waaxid boog baad ku tahay, meesigaa qarane

Magafiyo dhallaankii kolkii, moorshe lagu saaray
Madax-furasho goortii xabsiga, maalka laga doonay
Macmal iyo haddii eedo jaban, lagu maqiiqaayo
Madaxooda goortii la yidhi, maal ha laga dhiibo
Miskiinkiyo saboolkaba kolkii, maaggu wada riiqay
Macquul weeye inay geeddiyaan, muhashadii dhoofe

Masjiddada Cibaadada Allaa, lagu mushaaxaaye
Mawlaha ninkii tuugayaa, muumin wuu yahaye
Muslimiintu tiiyooy salaad, maansha wada oogtay
Milicsiga waxaad daawataa, goorba meel darane
Maqaarkii ku soo doortay baad, mahadho eegtaaye
Macbuudkiiba waxa kaaga weyn, Moorgan iyo liide
Mar haddaad lillaahida salaad, maandhe gudanaysay
Midig iyo inaad bidix daydaa, waa munaafaqade
Meel baad ka duushaye intaan, mawdku kula duulin
Magaagyahaw ka soo tawbad keen, seegtay marinkiiye

Magaabada nabsiga wuu dhamaa, kii maroor falaye
Musiibada dhashaadaa dhawaan, maali aayaha’e
Mucsurradu docdaaday fadhiyi, waanad murugoone
Haddii aan adduunyada maxkamad, lagugu miisaamin
Waxa maalay lagu siin kolkuu, malag ku qaadaaye
Muxsiniinta hoygooda yaan, gees lagaa marine
Yaanu Maaliggii naarta xigay, moofo kuu dirine
Maqaarkaaga yaan lagu dhex gubin, moolka qiiqa ahe
Sidaad noo makalayseen ayaan, meel xun lagu geyne
Magaagyahaw ka soo tawbad keen, seegtay marinkiiye

Dhammaad

Nuura Cabdi Muuse
nuracmuuse@gmail.com