Oodweyne News - Latest Somali News Update

” Go’doonka Qatar, tolow Go’doonka Somaliland Wax Ma Ka Bedeli Karaa ” XILDHIBAAN XAMSE YUUSUF XOORXOR

Sweden(OWN)-Xildhibaan Xamse Yuusuf Xoorxor oo katirsan Xildhibaanada golaha deegaanada dalka Sweden gaar ahaan Xildhiban degmada Fagersta,iyo Gobolka Västmanaland ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee dalalka khaliijka ka tagan gaar ahaan godoonka dalalka Sucuudigu hogaaminayaa xidhiidhka ugu jareen dalka Qatar waxa bartiisa Facebooka soo dhigay qoraalka uu sida Cilmiyaysan ugaga hadlayo xalada dalkaas Qatar ka taagan.

Waxaanu Qoraalka uu Xildhibaan Xamse Yuusuf Xoorxor Soo dhigay  bartiisa facebooka Udhignaa Sidan”

Waa marki u horeyse,aan qoraal yara fara badiyay,Lakiin bal ila dhugo ,faafahinta ila gashaye,

GODOONKA Qadar ,TOLOW GODOONKAYGA WAX MA KA BEDELI KARAA.

 

Ama dal weeyn ahow,ama dal yar ahaw,ama ictiraaf hayso,aba hahaysan.waxkastoo dunida iyo mandaqada ka soo cusboonada waxaad ka eegaysa dantaada dal ahaaneed. Dalalki khaliijka Ee xulufaysiga iyo gacaltooyadu ka dhaxaysay,ayay dano siyaasadeed kala irdheeyeen oo Qadar godoon loo galiyay,hada weliba arimaha loo cugsaday waxaa ka mida shaambad iyo eed wakhtiyadan dambe la isku isticmaalo oo layidhahdo,XAQJIRKA AYAY TAAGEERAAN. Dawlada arinta si wadara loogu eedeyana cid garabistaagta weey yartahay dunida maanta.waxaan qarsooneen in Qadar ururo badan oo arinta lagu eedeeyo ay xidhiidh la leedahay.waxaynu ogsoonahay in ay hada ku mashquulsanayd alshabaabta soomaliya sidii loo heshiisiin laha dawlada soomaliya,Ee xukunka loo ga qayb kalin lahaa, hadaba dhawaaqa soomaliland waxa laga yaaba in dadbadani yidhahdaan oo ma xidhiidh ayay la lahayd maxay u jaraysa,Haa waa jawaab cad oo xambaarsan marka culays siyaasadeed iyo istiraajiyadeed fuulo Qadar , noqon mayno meelaha ay adaygsan doonan cirkooda iyo badoodaba,hada somaliland cirkeeda ma ka talisa waa arin ficila iyo dood kale,laakiin mawqifka siyaasiga ahi uma baahna tamartaada. Somaliland kamay mid ahayn xulufada marka hore wada socotay ,hadana marka la eego iminka is qabatay .hadaba marka la eego yay iskugu wanaagsanayeen mudada ugu dambaysa somaliland ,waxaad arkaysa in Imarat ka ay iskugu dhawyihiin,istiraajiyan,iyo ganacsi iyo maalgashiba,markaa wax ay soomaliland ubaba laba labayn lahayd taageerida imaratku meeshaba mataalo,inay taageerto mooye.ta hawada Ee ay soomaliya ku dhawaaqday inay isticmaali karto Qadar ,hada waa hawada soomaliland ,waxa soo kordhi karta in somaliland laga taageero oo caalamka ku dirqiyaan lana hor fadhiisato, kulana doodo haayada hawada gacanta ku haysa,maadama arinta Qadar ay caalami tahay,waxay noqon doonta inay fusho arinta hawada Ee somaliland,kadibna waxay noqonaysa guul siyaasadeed,hadaba dadka badan Ee leh maxay dhaafsiisatay,markaad goaan gaadhayso Ee cid aad mawqif degdega lagarab istaagayso,meesha kuma jirto,ana maxaad i taraysa,Lakiin ficilkaas ayaa kaa dhigaya saxiib iyo garab laysku halayn karo ,hadhawna arimahaaga ayaa loo dhego nuglaanaya ,waxaan dhici karta in godoonka Qadar uu yareeyo Godoonkaagi ay aduunyadu ku saartay.

 

 

 

W/Q Xamse Yuusuf Xoorxor