Mid ka mid ah beelaha ugu Tunka weyn Gobolka Sool oo Shaaciyey Talo ay dib isugu Noqonayaan

Laascaanood (SM)- Beesha Jaamac Siyaad oo ka mid ah Beel-weynta Dhulbahante ee degta gobolka Sool, ayaa shaaciyey inay beeshu dhawaan qabsanayso shir ay aayahooda kaga tashanayaan isla markaana ku go’aaminayaan mansabyadooda siyaasadeed ee ku lahaayeen xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ay xubno ka mid ah beeshu soo saaren maanta.

War-saxaafaeedka ayaa u qornaa sidan:- “Beesha Jaamac Siyaad Oo Ka Mida Beelaha Waawayn Ee Somaliland Oo Aan Wax Xil Ah Ka Hayn Waqtigani Xukuumada Madaxweyne Biixi & Sababta Oo Beeshu Iswaydiinayso.

Xukuumada Uu Hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Iyo Beesha Jaamac Siyaad Oo Ka Mida Beelaha Waawayn Ee Qaranka Ugodoboobay Miyaa Loo Kala Waramay.

Madaxweynaha Ayaa Beesha Umuujiyey Colaad Uu Kaga Mamnuucayo Digreetooyinkiisa Oo Uu Kagala Dagaalamay Boosaskii Ay Qaranka Saami Ahaan Ulahaayeen.

Beesha Jaamac Siyaad Oo Ah Beel Qaranka Somaliland & Xisbiga Kulmiye ba Uu Ku Taaba Galay Gobolka Sool Udub Dhexaad na U Ah Qaranka Marka La Joogo Gobolka Sool Iyo Buuhoodle Oo Ah Gobol Xasaasiya Marka Loo Eego Goboladda Kale Ee Somaliland.

Beeshan Ayaa Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigiisi Kulmiye Ee Waqtigaas Ku Lahaa

Wasiir Buuxa, Wasiiru Dowle Iyo Wasiir Ku Xigeen, Abaanduulihii Guud Ee Ciidanka Qaranka, Agaasimahii Guud Ee Commisionka Doorashooyinka,
Agaasimahii Duulista iyo Hawada, Gudoomiyahii Gobolka Sool iyo Xilal kale Oo Badan Intaas Oo Xil Qaran Beeshu Waxay Ku Wayday Markii Muuse Biixi Xilka la Wareegey Halkaasi Oo ay Kaga Soo hadheen Beeshii Jaamac Siyaad Wasiir Faratoon oo Isna Aakhirkii Laga Qaaday Booskii Wasiirka Arimaha Dibada.

XILALKA BEESHA JAAMAC SIYAAD WAYDAY INTUU XUKUNKA HAYAY MUUSE BIIXI

1: Wasiirkii Arimaha Dibada. Yasin Faratoon

2: Wasiir ku xigeenkii Cadaalada. Yusuf Aflahaar

3: Wasiiru Dowlahii Nabadaynta Cali Sandule.

4: Cabdilahi Xaaji Abaanduulihii Ciidanka Qaranka

5: Agaasimahii Guud ee Duulista & Hawada Jabarti.

6: Agaasimahii Guud Ee Commission ka Doorashooyinka Qaranka. Abdiraxman Ilkacase.

7: Gudoomiyahii Gobolka Sool.
Saraakiil Ciidan iyo Shaqaale Dowladeed.

Waqtigan Xaadirka ah Beesha Jaamac Siyaad Qof Kasoo Jeeda oo Digreeto Madaxweyne Ku Jooga Ama ku Shaqeeyaa Ma Jiro Taladii Xisbiga Oo Ay Saamayn Wayn Ku Lahaayeena Kama Dhex Muuqdaan.

Hadaba Waxgaradka, Aqoon Yahanka, Culimada, Cuqaasha iyo Nin Garboodka Beesha Ayaa Iclaaminaya Shir Ay Kaga Tashanayaan Aayahooda Mustaqbal Ee Xisbiga Kulmiye Ee Uu Majaraha Uhayo Muuse Biixi Maadaama Madaxweynaha Ay Ka Waayeen Filashadoodi Looguna Daray In Laga Qaado Boosaskii Ay Hore Ujoogeen.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker