Oodweyne News - Latest Somali News Update

” Ma Cadeyn karo in Mahad Abiib uu Soomaaliya kasoo jeedo dhalasho ahaan” : Yuusuf Garaad

NORWAY(OWN)- Wasiirka arrimaha dibada dowlada Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo isbuucan booqasho rasmi ah ku joogay dalkan Norway, ayaa wargeyska VG u sheegay inuusan cadeyn karin in Mahad Abiib uu dhalasho ahaan kasoo jeedo dalka Soomaaliya, balse ay cadahay inuu qowmiyad ahaan soomaali yahay.

 

 

Wariye ka socdo wargeyska VG ayaa kasoo qeybgalay kulankii uu Yuusuf Garaad la qaatay soomaalida Norway, wuxuuna wasiirka weydiiyay su´aal ku saabsan kiiska Mahad Abiib, iyada oo markaas wasiirka la gudoonsiiyay documentiyo ka socdo dowlada Soomaaliya, kuwaas oo sheegaya in Abiib uu yahay muwaadin soomaali ah.

Image result for Yuusuf Garaad

 

Yuusuf Garaad ayaa VG u sheegay inuu qadirinayo documentiyadaas, balse xukuumada cusub ee Soomaaliya ay rabto inay si dhab ah wax u hubsato. Dhanka kale Yuusuf Garaad ayaa raaciyay in dowlada Soomaaliya ay Mahad Soomaaliya kusoo dhaweyneyso, xitaa hadii uusan Soomaaliya kasoo jeedin, oo uu jabuutiyaan yahay.

 

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa intii uu socday kulankii jaaliyada, gaar ahaan markii laga hadlayay kiiska Mahad Abiib, soo bandhigay passportkiisa diblumaasiga soomaaliyeed ah, kaas oo ay saarantahay Viso Norway ah. Wuxuuna dadkii meesha joogay weydiiyay, sida ay suurtogal ku noqon karto in Norway aysan aqoonsaneyn waraaqaha aqoonsiga soomaaliyeed, hadii uu isagu Norway ku yimid passport soomaali ah.

 

 

Mahad Abiib: Waxaa heysto cadaadis siyaasadeed:

Abiib ayaa VG u sheegay in wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ay heysato cadaadis siyaasadeed, sidaas darteed uu u maleynayo mahad ahaan, in hadii uu difaaco ay dowlada cusub ee Soomaaliya ay lumin karto taageerada dowlada Norway.

Mahad ayaa dhanka kale sheegay inuu wasiirka ku booqday Hotelka uu deganaa ee Grand, balse loo diiday inuu la kulmo.

 

 

Waxaan wali qabaa rajo:

Abiib ayaa dhanka kale VG u sheegay inuu wali qabo rajo ah inuu dib u helo passportkiisii norwiijiga ahaa, isaga oo raaciyay inuu hada ka cabsi qabo in Soomaaliya uu ku noqdo. Wuxuuna dhanka kale sheegay inuu dowladii masuulka ka noqon laheyd amaankiisa, aysanba awoodin inay ka dhiciso dowlada Norway.

Warbaahinta Norway ayaa maanta hadalheyso hadalka wasiir Yuusuf Garaad ee kiiska Mahad Abiib. Waxaa kale oo xusid mudan in TV-ga qaranka Norway ee NRK, laga celiyay inay soo galaan kulankii soomaalida iyo wasiirka arimaha dibada Soomaaliya.

nn

 

Xigasho/kilde: VG, P7, p4