Wargeys Caan Ah Oo Wax Ka Qoray Is Baddalka Cimilada Iyo Saamaynta Somaliland

Wargeyska Financial times oo maqaal dheer ka daabacay Somaliland ayaa waxa uu si gaara uga hadlay isbadalka cimilada iyo saameynta uu ku yeeshay Somaliland.

Wargeysku waxaa uu si gaara diirada u saaray dhanka wax soo saarka beeraha iyo biyaha , dhaqaalaha bulshada Somaliland galiyeen iyo dhaqaalaha ay ka heleen baananka iyo wadamada dibada.

Waxaa uu sheegay in qurbe joog farabadan ay u jeesteen maal gashiga beeraha iyo xoolaha yaga oo goobo cimiladu saameyn ku yeelatay dib ugu guuleystay inay wax uga soo saaraan dhinaca dalaga beeraha iyo dhaqashada xoolaha ( Geella ) .

Masuuliyiin ka tirsan xukuumada oo ay kamid yihin maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood iyo agaasimihi hore ee wasaarada beeraha Rooble Cabdi Muuse ayuu wargeysku daabacay mar uu wax ka weydiiyay dhinacyada biyaha iyo beeraha .

Ganacsato uu ka kid yahay Ismaacil Axmed aas-aasaha xawaaladda Wold remet , aqoon yahano ku xeel dheer arimaha biyaha Iyo ganacsato kale oo maal galin sameeyay qaarkoodna fudaydiyeen ayaa warbixintan uu wargeysku soo xigtay .

Waxaana taasi muujinaysa dadaalka iskaashiga ee Somaliland ka hirgalay ee lagaga hor tagay in uu saameyn weyn ku yeesho bulshada isbadalka cimiladu iyo qurbaha jooga maal gashiga gudaha usoo jeestay wakhtigan ee beeraha iyo xoolaha dhaqashadooda ku foogan oo aad u kordhay.

Source:

https://www.ft.com/content/78d1b4ac-263a-4b3a-a3d3-1bfa38a06fa8?fbclid=IwAR1w3KmfmNtk_87FzxvQJmurOR2DNe-z-_0_Bde0Pbyw1mC_F8jdLiJo-h8

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker