Oodweyne News - Latest Somali News Update

Xukuumadda Somaliland oo Wefti u diraysa Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta iyo Ujeedka martiqaad uga yimi Dalkaasi.

news-3Hargeysa(OWN) Wefti balaadhan oo ka kooban Wasiiro iyo mudanayaal katirsan labadda aqal ee Wakiillada iyo Guurtida ayaa u boqooli doona 24 Saacadood ee soo socda Dalka isutaga imaaraatka Carabta.
Weftigan oo martiqaad rasmi ah ka helay dalka imaaraatka ayaa sidda ay sheegayaan wararka aannu ka helayno ujeedka safarka waftigaasi waxaa yeedhmada iyo martiqaadkoodu daaran yahay xiisadda ka dhex aloosan waddamada Carbeed ee isku dhinaca ka dhigtay Xulufadda Sucuudiga iyo Imaaraatka gadhwadeenka ka yihiin islamarkaani goonida usaartay waddanka yar ee Qadar.
Wararka Safarka weftigaasi ayaa intaa ku daraya in dawlada imaaraatku Somaliland kala hadli doonto mawqifka ay ka taagan tahay arimaha bariga dhexe, iyaddoo la filaayo in Imaaraatku Weftiga soo hor dhigidoono qorshe Somaliland dhinac kula noqon karto Xulufadda Sucuudiga.
Dawladda Somaliland ilaa iyo haatan kama hadlin mawqifkeeda ku aaddan arimaha khilaafka dalalka Carbeed, iyaddoo sidda la wada ogsoon yahay labaddii maalmood ee u dambeeyey diyaaradaha Dalka Qadar ee (Qadar Airways) ay isticmaalayaan hawadda Dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya oo Somaliland qayb ka tahay Caalamiyan, islamarkaana Marinnada-Hawada ee diyaaraha qadar isticmaalyaan haatan %92 sidda la sheegay ay yihiin Hawadda Somaliland.
Dalka Soomaaliya arinta khilaafka Qadar iyo Xulufadda Sucuudiga waxay cadeeyeen innay dhexdhexaad ka yihiin, taasi oo dadka siyaasadda u dhuun daloolaa ay ku sifeeyeen innay tahay (Beerka Jecli Xaydha Jecli).
Mawqifka arintan ee Soomaaliya ayaa siddoo kale waxa loo aanaynayaa innay Soomaaliya madaxda haatan ka arimisa waa Madaxweyne Farnmaajo iyo Ra’iisal wasaare khayre ay ku adag tahay noqoshadda ammaba la safashadda hal dhinac maadaama Farmaajo ka madaxweyne ahaan ku xadfan yahay Dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatka halka Ra’iisal wasaare Khayre’na magcaabistii iyo Imaatinkiisaba ay ka dambaysay Dawladda Qadar; tan ayaa ah sababta rasmiga ah ee aannay Dawladda Federalka Soomaaliya u noqon karin hal dhinac.
Abdirisaq Terranews-3