Oodweyne News - Latest Somali News Update

Fadeexad Weyn: Yaa hortaagan qadiyadda Somaliland? Warbixin Ay Midawga Afrika (African Union) Ka Qoreen Gooni Isutaaga Somaliland 2005 Kadibna Aanay Xukuumadi ka Daba Tegin ……

Waxaan halkan idiin ku soo gudbinaynaa oo ku  jira Warbixin Report-kii ama go’aankii African Union-ku ka gaadhay gooni isutaaga Somaliland kadib socdaalkii  Gudidii xaqiiq raadinta ee yimid Somaliland May 2005 (eeg gaar ahaan Pageka 4aad, qaybta 8aad).

 

 

Go’aankaasi ama Reportku wuxuu cadeeyey:

 

 

1-in aan haba yaraatee aanan la saxeexin heshiiskii isku darkii 1960kii, oo anuu jirin “Legal Act of Union”, sidaa darteed xaaladu taagan tahay halkii lixdankii (micnihii xaladii labadii dal ee kala madax banaanaa).

2-Sidaa darteed, in Somaliland iyo shicibkeegu xaq u leeyahay in ay la soo noqon karaan xornimadoodii (Remedial independence) bacdamaa aanu jirin “legal union agreement with Somalia”, bacdamaa Somalilandersku aanay fursad iyo xaq u helin inay anfacsadaan (enjoy) xaqoogii dimoqraadi wixii Somalia lagu magacaabay (halkan wuxu reportku ina tusaya, markii ay Somalilandersku diideen dastuurkii midaynta labada dal (june 20/1961kii) by 52% “No”, inay madaxdii labada dhinac jujubeen shicibkii Somaliland, oo ay iska indho tireen codkii diidmada ahaa ee Somalilanderska/democratic NO-choice by referendum on June 20th/1961).

3-in aan arrinta ama qadiyadda Somaliland lala xidhiidhin karin waxa la yidhaa “Pendora Box/u-horseedka kala googo’a dalalka Africa”, bacdamaa annu jirin (legal Act of Union) heshiis iskudar oo dastuuri  ah oo dhex maray Somaliland iyo Somalia.

4-in aanay Somaliland qadiyadeedu jabinayn dastuurka African Union, gaar ahaan, qodobka mamnuucaya kalagoynta xuduudi laga dhaxlay gumaystayaasha (colonial boundaries indivisibility) becoz Somaliland waxay lasoo noqotay oo keliya xuduudeedii ay ka dhaxashay Gumaystihii Ingiriiska. Sidaa darteed Go’aankan ama Reportkan African Union-ku gaadhay wuxu ogol yahay gooni isutaaga Somaliland, wuxuuna cadeeyey in wax “legal Act of Union” ahi ka dhexeyn labada dal.

 

HALKAN GUJI OO KA AKHRI Report-kii ama go’aankii African Union-ku ka gaadhay gooni isutaaga Somaliland.

AU-Fact-finding Mission P1

AU-Fact-finding Mission P2

AU-Fact-finding Mission P4

AU-Fact-finding Mission P3

 

Note: Nasiib daro, cidina kamay daba tegin go’aankan). Tan iyo maanta, dawladan Somaliland iyo kuwii ka horeeyeyba war qalad ah ayeey shicibka Somaliland ugu sheekayn jireen, uguna sheekeeyaan ilaa maanta, iyagoo leh: Addunku, UN , EU, waxay inagu xidheen Africa ka dhamaysta, oo African Union ayaa ina diidan. Lakiin go’aankay Africa qaadatay waaka cad. Laakiin, shaqsiyan, waxay ila tahay inay dawladda Somaliland diidan tahay ama hortaagan tahay iyada lafteedu.. Su’aashu waa: Why, why and why giving wrong information to the People of Somaliland? Yaa hortaagan qadiyadda Somaliland?

 

 

 

Waxaa qoraalkan soo diyaariyey Mahad Nur