Oodweyne News - Latest Somali News Update

Muuqaal Naxdin Badan: Magafe Garaacaya Tahriibayaal Somali Ah

Tahriibku waa aafo, waxaana loo baahan yahay in shacab iyo dawladba meel looga soo wada jeesto, oo fadhiga laga kaco, runtii arinkan tahriibku wuxuu keenay in dhamaanba dhalinyartu ku wada hamido sidii mid waliba uga tagi lahaa dalka mar uun siduu doono haw  tago e.

 

Dhibaatadaa oo dhan  waxaa u sii daran  burcad loogu magacdaray MAGAFE oo qofkii gacanta u gala aanu ka fursan inta uu ka bixinayo lacag madax furasho ah, Taasi oo ay u dheertahay jirdil .

 

Hadaba waxa ay  Magafe-yaasha maalmahan lasoo bexeen  qorshe-cusub oo ay ku doonayaan inay lacagta madax-furashada degdeg u helaan iyagoo  muuqaal naxdin badan  kasoo duubaaya  tahriibayaasl ay garaacayaan.

 

 

Hoosta ka daawo muuqaalo ka mid ah tahriibayaasha la garaacayo.