TACSI MADAXWEYNE: Marxuum Cabdilaahi Cumar Qawdhan Good

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdilaahi Cumar Qawdhan Good oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 23/10/2021, caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey muwaadin ma daale ahaa oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, kana mid ahaa Aasaasayaashii ciidanka Badda, isagoo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Caddaalladda Somaliland, La-taliyaha xeerka badda ee wasaaradda xidhiidhka golayaasha, waqtiganna ahaa La-taliyaha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker