“Khadiijaay Markaad Gal-galanaysay, Ayaan Arkaayey In Aanu Khayr Kaasoo Socon … “

Xoghayaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Mubaarak Cabdi Xasan, Ayaa Jawaab Adag Ka Bixiyey Hadal Kasoo Yeedhay Wasiirka Gargaarka Ee Dawladda Faderaalka Somaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye Oo Sheegtay Inay Dib Ula noqotay Gaadhi Ay Hore U Sheegtay Inay U Soo iibinayso Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Ah-na Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Guushii Uu Doorashaddii Baarlamaanka Somaliland Uu Ka Gaadhay, Kadib Iyadoo Ku faraxsan Ay Ku yaboohday Gaadhi Ay Guushiisa Ugu Dabaal-dagayso Ay U iibinayso.

Wasiir Khadiija, Ayaa Warbaahinta Ka Sheegtay Inay Gaadhigaas Ay Dib Uga la noqotay Soo iibintiisa Xildhibaanka, Kadib Markii ay u adkaysan kari Wayday Jawaab Adag Oo Uu Dhawaan Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Ee Somaliland Uu Uga Jawaabay Hadal Somaliland Uu Ku durayey, Kanasoo Yeedhay Raysal-wasaare Rooble.

Xoghaye Mubarak Oo Jawaab Adag siinaya Wasiir Khadiija “Ayeeyo Khadiija Waxaan Kuu Sheegayaa Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Maaha Nin 20 kun Oo dollar Dhulka Loogu Garaaco, Maaha Nin Aduun Lagu Baayaco Ee Waa Nin Qaranimaddiisa Iyo Dadnimaddiisa Aan Lacag Yar Siisanin”.

Mubaarak Cabdi Xasan, Ayaa hadalkiisa Isagoo Sii wata Wuxuu Yidhi “Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Marka Hore kumuu Dirsan Inaad Gaadhi U Soo Iibiso Ama lacago u Soo Ururiso Nin Loo Qaadhaamanna Maaha. Hadduu Gaadhi Doonayo-na Dadkiisa Iyo Dalkiisa kamuu waayin”.

“Khadiijaay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Wuxuu Ahaa Ninkii Hantiddiisa U Iibiyey Dadkii Dan-yarta Ahaa Ee U Coddeeyey. Khadiijaay Markaad Gal-galanaysay, Ayaan Arkaayey In Aanu Khayr Kaasoo Socon. Xildhibaan Barkhad Intaad Aad Leedahay Waan U Soo Ururiyey. Isaga Umaad Soo Ururinne. Adigaa Soo Urursaddaye Ee Meel Ha Kuu Buuxiso”. Ayuu yidhi Xoghayaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Mubaarak Cabdi Xasan Oo u Jawaabay Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Gargaarka Ee Dawladda Faderaalka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker