Norway: Nin Dhalinyaro Ah Oo xalay Oslo lagu dhaawacay oo maanta geeriyooday

Sida ay boolisku xaqiijiyeen waxaa maanta geeriyooday wiil 20-sano jir ah oo xalay lagu dhaawacay xaafada Mortensrud ee magaalada Oslo ee dalka Norway.

Xalay abaare tobankii(10:20 PM) fiidnimo ayay boolisku heleen fariin ah in xabado tiro badan laga maqlayay agagaarka iskuulka Lofsrud ee xaafada Mortensrud oo kutaal degmada Sødre Nordstrand.

Booliska ayaa markii danbe sheegay inay goobta ugu tageen nin dhaawac ah, waxeyna baaritaan xoogan ka sameeyeen goobta uu falkaas ka dhacay. Xalay fiidkii waxaa agagaarka oo falkaas ka dhacay lagu arkayay baabuur booliska, eeyaha booliska ee baaritaanka iyo helikopter.

Ilaa hada qofna falkaas looma qaban inkasta oo boolisku ay sheegeen inay tuhunsanyihiin in falkaas ay ka danbeeyeen dhowr qof. Waxaana dhanka kale socdo baaritaan xoogan oo kiiskan la xidhiidha.

Wax faah-faahin ah boolisku kama bixin 20-sano jirka falkan lagu dilay, cida ka danbeyso iyo sababta keentay in falkan uu dhaco.

Dilkan xalay ka dhacay Oslo ayaa ku biirayo liis falal amni daro hub loo adeegsaday ah oo isbuucyadii ugu danbeeyay ka dhacayay magaalada Oslo.

Source: : Den 20 år gamle mannen er død etter skytehendelsen på Mortensrud.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker