Britain oo raadineysa kumannaan qof oo laga doonayo inay leeyihiin xirfado gaar ah

Ilaa 10,500 oo ajaanib ah oo isugu jira darwaliinta gawaarida xamuulka ah iyo shaqaalaha kawaannada ayaa loo oggolaan doonaa in ay shaqo u tagaan UK ilaa dabayaaqada sanadkan, oo ku beegan marka ay billaabaneyso ciidda masiixiyiinta.

Dowladda ayaa xaqiijisay in 5,000 oo ah darawaliinta baabuurta qaada shidaalka iyo kuwa kale ee xamuulka ay heli doonaan dal ku gal saddex bilood ah oo ay ku joogi doonaan waddankaas.

Barnaamijkan ayaa sidoo kale la filayaa in lasii ballaariyo oo lagu kordhiyo shaqaale gaaraya 5,500 oo kale.

Wasiirka gaadiidka, Grant Shapps, ayaa sheegay in tallaabadan ” ay qayb ka tahay diyaargarowga loogu jiro in xaaladda ay sidii loogu talogalay ahaato” waqtiga lagu jiro fantasyaha.

Balse Rugta Ganacsiga ee Britain ayaa sheegtay in go’aanka kasoo baxay dowladda uu la mid yahay “galaas biyo ah oo lagu shubay dad aad u weyn”.
Shaqaalaha loo baahan yahay waxaa ka mid ah dadka kawaanleyaasha ah ee jarjara hilibka digaagga

Sidoo kale ururka gaadiidleyda ayaa sheegay in arrintani “ay tahay mid aan wax saas ah ka qabaneynin baahida, waqtiga la qabtay ee ilaa dhammaadka sanadka ahna uu yahay mid aad u gaaban”.

Hase yeeshee, go’aankan waxaa aad usoo dhaweeyay ururka xirfadleyaasha warshadaha UK, oo ku tilmaamay “tallaabo weyn oo loo qaaday xallinta dhibaatada xamuulka”.

Darawaliinta gawaarida xamuulka ah oo yaraaday waxay sababtay culeys badan oo dhibaato ku noqday warshadaha bilihii lasoo dhaafay. Saameynta ayaa gaartay laga billaabo suuqyada yar yar ilaa dukaamada cuntada fudud lagu iibiyo.

Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay, qaar ka mid ah waxaa yaraaday kala gudbintii badeecooyinka shidaalka, taasoo horseedday in safaf dhaadheer loo galo kaalmaha laga iibsado shidaalka.

Arrintaas ayaa dhacday xilli ay golaha wasiirrada ku adkeysteen in UK ay heysato shidaal aad u badan.

Marka laga soo tago oggolaanshaha dadka ajaanibta ah ay ku imaanayaan UK, arrimaha kale ee ay dowladdu ku dhawaaqday waxaa ka mid ah in la kordhin doono howsha lagu hubiyo gawaarida waaweyn ee badeecooyinka qaada.

Sidoo kale, ku dhawaad hal milyan oo ah darawaliinta heysta shatiga gawaarida waaweyn ayaa loo diri doonaa warqado looga codsanayo inay shaqo usoo doontaan warshadaha.

Wasaaradda gaadiidka ayaa sheegtay in si dhakhso ah tababar loo siin doono ilaa 4,000 oo qof oo noqon doona darawaliinta baabuurta waaweyn.

Koorsooyinka ayaa noqon doona kuwo bilaash ah oo ay maalgelineyso waaxda waxbarashada.

‘Kuma filna baahida’
Ururka ay ku bahoobeen dadka dadka isticmaala adeegyada tafaariikqda ah ee Britain ayaa sheegay in tirada dal ku galka ee lagu yaboohay “ay san wax wen ka qaban karin baahida taagan”.

Waxay sheegeen in dukaamada waaweyn oo kaliya ay u baahan yihiin 15,000 oo darawaliinta gaadiidka xamuulka ah oo dheeraad ah, si ay shaqada u fuliyaan waqtiga ka horreeya fasaxa fantasyada ciidda masiixiyiinta.

Madaxa Rugta Ganacsiga Britain, Baroness McGregor-Smith, ayaa isagana sheegay in tallaabada la qaaday ay tahay “mid aan waxba tareynin”.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker