Madaxweynaha JSL Oo Ka Qeyb-galay Aas Qaran Oo Oo Hargeysa Loogu Sameeyey Alle How Naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Arabey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qeyb-galay Aas qaran oo loogu sameeyey Xabaalaha Baqiic ee Caasimadda Hargeysa Alle how naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Arabay oo ka mid ahaa waayeelka, waxgaradka iyo halgamayaashii qaranka Somaliland.

Madaxweynaha oo tacsi u diray qoyska iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Cabdi Arabey ayaa xusay inuu ahaa Halgamaa taariikh weyn ku leh qaranka Somaliland, waxaana uu yidhi Madaxweynuhu sidan“ Xaaji Maxamed Cabdi iyo inta kale ee maanta la aasayo Ilaahay how naxariisto qoyskiisii iyo qaranka Somaliland ilaahay Samir iyo Iimaan haka siiyo Maxamed intaa laga sheegay wuxuu ahaa oday xeer-beegtiya Sheekh, Halgamaa, talo-yaqaan intaba Ilaahay waa ku kulmiyey”.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii iyo qarabaadii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo booskii uu ka baxayna cawil khyer qaba ugu bedelo “Ilaahay waxaan uga rajaynaynaa dadkiisa uu ka tegay iyo da’adan danbe inay wadadii odayaashaasi mareen ay maraan oo sida ay wax u maamulayeen Diin ahaan, dad ahaan iyo dal ahaan aynu waddadoodii raacno oo ilaahay ina waafajiyo isaga uu Jannadii uu ka waraabiyo, qoyskiisiina cawil kheyr qaba Alle keeno innagana inooga daba naxaariisto”.

Wa-bilaahi Tawfiiq

May be an image of 8 people, people standing and outdoorsMay be an image of 8 people, people standing and outdoorsMay be an image of 2 people, people standing and outdoorsMay be an image of one or more people, people standing and outdoorsMay be an image of 1 person, standing and outdoorsMay be an image of 3 people, people standing and outdoorsMay be an image of 3 people, people standing, outdoors and treeMay be an image of 7 people, people standing and outdoors

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker