Oodweyne News - Latest Somali News Update

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Laga Hor-joogsadey Sanaag-bari Iyo Ciidammo Puntland Katirsan Oo Lasoo Dhoobay Bariga Degmada Ceerigaabo + Waxka-beddelka Qorshihii Wasiirka.

 

Ceerigaabo(OWN) Wasiirka Waxbaashada Somaliland C/laahi Ibraahin Habbane (C/laahi-dheere) oo ay weheliyaan saraakiil wasaaraddiisa katirsani oo maalmihii ugu danbeeyeyba kusugnaa magaala-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa laga hor-joogsadey inuu gaadho degaannada Hadaaftimo iyo Badhan ee bariga Sanaag. Waxana ciidammo ka amar qaata maammul-gobboleedka Puntland lasoo dhoobay magaalooyinka Hadaaftimo iyo Yubbe dhexdooda.

 

Waxana wararka degaanka laga helayaa sheegayaan ciidankan oo markiisa horeba fadhiisinkiisu yahay gudaha Degmada Badhan ee xaruntana u ah gobolka cusub ee Badhan in lakeenay oo ay ku sugan yihiin meel magaceedu yahay Kadhadda taasoo aan wax badan ka durugsanayn balse jahada bari kaxigta magaalada Hadaaftimo sidoo kalena ciidankani yahay mid loogu talagalay in ay degaannadaas ka hor-joogsadaan Wasiirkan Waxbarashada Somaliland iyo cidda wehelisa.

 

Wasiirka Waxbarashada ayaa wararku tibaaxayaan in socdaalkiisu la xidhiidhay arrimo ay kamid yihiin U-kuurgalka tayada waxbarashada guud ahaan iyo weliba gaadhi cusub iyo agab waxbarasho oo uu ku wareejinayey Isuduwaha Waxbarashada gobolka Badhan iwm.

 

Waxa kaloo wararka arrintaas kusaabsan intaas kusii darayaan inuu guul-darro kusoo gebageboobey shir kusaabsan xal u helidda arrintaas oo muddo dhawr saacadood ah Wasiirkan waxbarashada oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta maammulka iyo Waxgarad kasoo jeeda degaannada Sanaag-bari uga soconayey Guriga Martida ee Magaalada Ceerigaabo. Taasi awgeedna wax iska beddeleen qorshihii socdaalka wasiirka ee kuwaajahnaa degaannada Hadaaftimo iyo Badhan ee Sanaag-bari islamarkaasna lafilayo subaxnimada berrito (Sabtida) in wasiirka iyo weftigiisu kormeer ugu bixi doonaan degaanno kale. Waxana ilaa hadda aan caddayn halka uu ku danbayn doono baabuurka cusub ee Waxbaashada Badhan wasiirku u wadey iyo weliba agabkii kale ee waxbaashada uu ugu soo talagalay.

 

Dhinaca kalena is-hortaaggan lagu diiddan yahay Wasiirka Waxbarashada Somaliland iyo weftigiisa ayaa wararka qaarkood sheegayaan inay ka danbeeyaan xubno degaannada Sanaag-bari kasoo jeeda kuwaasoo isugu jira Madax-dhaqameed xidhiidh dhow la wadaaga Maammul-goboleedka Puntland iyo weliba Siyaasiyiin Muqdisho kusugan oo gor-gortan kusaabsan maammul-goboleed u gaar ah inay ka helaan kula jira Madaxweyne Farmaajo iyo Dawladdiisa. Halka wararka qaarkoodna sheegayaan inay jirto arrimo la xidhiidha qorshaha horumarineed iyo maaliyadeed ee Jaamacadda Magaalada Badhan oo kaalintii laga filayey lagu saluugsan yahay wasiirkan waxbarashada.

was-waxbarasho 1ciidan pl

Oodweynenews.com/Ceerigaabo