Oodweyne News - Latest Somali News Update

FARMAAJOOW, Hassan Maal

Ma filaayo in nolosha soomaalidu ay u baahantahey 30 sannadood oo kale oo ay foolxumada haysata shantii soomaaliyeed waliba sii socot.U maleeyn maayo in danta Somaliya ay fadhido iyaa oo 26 sannadood oo kale afka la-iska-sii-sheegto. Haddad FARMAAJOOW fahma dhaanto madaxdii Somaliya ee kaaga horeeysey fagaaraha, haddaad awoodo kala furista labada dal dabeetana aad xaqooda u fasaxdo Somaliland, haddii aad dareesantahey siyaasadda cusub ee dunida iyo danta labada shacab ee Somalialnd iyo Somaliya, ha-ka-war-wareegin in aad ku dhawaaqdo aqoonsiga shacabkii keeney Maandeeqdii dhimatey 26kii June1960kii. Haddii aad maanta kala furdaamin laheed labada dawladood ee soomaaliyeed ee isla hor-taagan labadooda muqaddas, dunida oo dhanbaa ku faanin laheeyd, waana hubaal in aad Baal Dahaba ka gali laheed, taariikhda Geeska Afrika, waana hubaal in aadan ka murugooteen kala furdaaminta labada dawladood. Murgada dhabta ahi MAXAMADOOW, waa 30 sannadood oo kale oo aynu isla hor fadhino labada muqaddas, waa colaadda labada shacab oo wakhtiga dheer sii fogaata. Murugada runta ahi waa adiga oo halkii ka sii wada diidmadii qayaxneeyd ee beenta ku dhisneeyd ee madaxdii kaa horeeysey ay ku diidaneeyd aqoonsga qaranimada gaamurtey ee Somaliand. Ha-ka-war-wareegin aqoonsiga iyo kala fasaxa Somaliland iyo Somaliya, haddii aad awooddo, ha ka xaasidin farxadda reer Somaliland sidii kuwii kaa horeeyey. Hadaad jecshahey soomaalida oo dhan, ku dadaal in aad labada dal ee soomaaliyeed ay maanta is aqoonsadaan. Hddii aad FARMAAJOOW arki laheeyd cadhada ay shacabka Somaliland ka qabaan aqoonsi laaanta dalkooda ee aydin sababteeda leedihiin, malaa waabaad u garaabi laheeyd, haddii aad awoodi laheeyd in aad soo gaadho Somaliland, waxa dareemi laheeyd cadhada iyo diiqa ka muuqada wajiyada shacabka iyo madaxda ciidamada kala duwan qaranka Somaliland, gaar ahaan, marka ay maqlaan sheegashadiina Somaliland ee beenta ah, dabeetana malaa waad fahmi laheeyd macanaha xorriyadda. Waa runtaa oo dhankiina, Somaliya ayaa ka dhibaato iyo balaayo badan Somaliland, waanu ognahey in aydinaan haysan nabadda iyo dimoqiryaadiyadda Somalialnd ku raaxeeysato, waanu ognahey in aanuu shacabku idin soo xulan, waanu ognahey dhibaatada iyo qaraxyada ay argagixisadu dalkiina ku hayso, waano ognahey in aydinaan wali dhisan ciidan qaran oo ay AMSISOM dadka iyo dalkaba ku tagri fasho, laakiin waa arrimaha aanu idinka caawin laheeyn haddii aydin marka hore aqoonsataan dawladnimadayada.

 

 

Hassan Maal