Oodweyne News - Latest Somali News Update

DHALINYARO KU DAWAKHDAY SIYAASADA , GACAN YARE NA U NOQDAY WASIIR CALI MAREXAAN W/Q XASAN NIMCAAAN

Wan salaamaya inta samaha jecel , guul ayaan u rajaynayaa dhamaan umada somaliland ,waxan halka kasalaamaya  hawl wadeenada  shabkadan oo mar walba u so tabiya umada ku hadasha afka somaliga warar iyo wacaaL sugan .
Intaas ka dib  waxan maanta jecelaystaya in waxa dhaho dhalin yaro dhawaanaha so galay masraxa siyaasada kana soo fuulay salaamo iyo jaranjaro khaldan sidaas dartena ku dawakhay fagarayasha siyaasada .
Dhalinyarada noocan oo kale ah  aya aad u tiro badan waxan se maanta halkan idinku soo tabinaya laba ka mid ah dhalinyaradaas oo lagu kala magaacabo MAXAMED MAXAMUUD CIISE iyo  kan kale oo lagu magacaabo IBRAAHIM DUBBE   labadan gacan yare ayaa degaan ahaan ka soo jeeda bariga burco runtaa aan aqoon badan lahayn haday mid diimeeda iyo mid duunyaba ,  labadan wiil ayaa waxay salaanka siyaaasada ka soo fuuleen meel aad uu wanaagsan iyagoo ka bilaway xisbiga BADBAADINTA  UMADA SOMALILAND EE WADANI iyago xisbiga ka dhex muuqan jiray  , xisbigan waxay ku dhex jireen muddo  kooban iyago akhlaaq iyo xushmad iyo bar bilaw wanaagsan uu u ahaa mustaqbalkooda siyaasadeed .
Mudadaas ka dib waxa dhalinyaradan  la shiray wasiirka hawlaha guud iyo gadiidka xukumaada taagta daran ee kulmiye dhalay wasiir cali khadiija oo runtaa caan ku aha boobka iyo lunsiga hantida guud ee umada wada leedahay iyo waliba kala qub qubka iyo kala erdhaynta iyo kala eexaysiga dhalinayarada beesha bariga burco ,shirkaas aya waxu ka qabsoomay hotel plaza ee magaalada burco , dood dheer iyo gorfeyn dabadeed waxay isku af garteen labadan dhaliyarada iyo wasiir cali khadiija inay ka soo baxaan xisbiga wadani kuna biiraan xisbiga kulmiye ee ku fashilmay hogaan dalka .
Heshiiska aya dhaqan galay ,weyna dhacday ina labada dhalinyarada ku biiraan xisbiga kulmiye , ma xume oo sunaha nolosha ayay tahay in qofku  ku biiri karo xisbiga uu arko inu ku haboonyahay hogaanka dalka , lakin labada wiil aya noqday qaar u adeega  wasiir cali khadiija  ka dib markii uu ka hawl galiyay hayadaha dawlada qaar ka mida sido kalena u qoray gunno  uu ka sii jeebkiisa taas oo qiimaheedu dhanyahay 5.000.000 slsh  shan milayn oo shillinka somaliland ah bil kasta ujeedkeduna daaranyahay inay ay ku  difaacan oo buun buuniyaan wasiir cali khadiija oo ay wasaaradiisu noqtay mid fadhiid ah sido kalena aya aflagaadeeyaan inta  tartanka siyaasadeed ka dhexeeyo  wasiir cali khadiijai  oonrunta aan ahayn hadal yaqaan , isago wasir cali farta ugu fiiqay dhalinayaradaas  hogaamiyaha ruuxiga ee xisbiga badbaadada  umada  ee wadani md xirsi cali x.xasan .
Waxayabahaas oo laga dheehan karo maqaalada aya ku qoraan websiteska  kala duwan ee somalida  ,waxad arkaysaa iyagoo cay qaawan kula kacaaya hogamiyaha wadani , iyago amaan aan kula dul kufaaya wasiir cali khadiija oo isaga gunno ku siiya arintaas.
Waxan uga baaqaya dhalinyaradaas inay ka waantoobaan waxyabahaa nocaas oo kale ah una tudhaan ayaahood danbe , sii fiican baynu is garanaynaa milgihiina dhuuni ha siisana somaliland maanta oo kaliya wey ka badan tahay nin dhargay yanu dadka idin nacsiin
AFEEF
Anigu ma tageero xisbiga wadani mana tageero kulmiye lakin waxan ka xumaaday shaqada aad haysaan oo aan ahayn tii nin weyn oo mustaqbal damacsane uu ka shaqayn lahaa , dib iska saxa oo guulwedeena cidna ha u noqonin .
Lagama yaabo inan mar danbe idiin soo jawaab celiyo waayo waxa tihiin ba iska yar lakin isku day 8nad is badh qabataan dantiinana garataan .
W/Q
Xasan nimcaan
Ku nool Germany