Oodweyne News - Latest Somali News Update

Komishanku Ha Ka Digtoonaado Kaadhadhka Soo Hadha In KUlmiye Ku shubto!

 Allay lehe Siilaanyaw iyo askarta qudhmiyaw, waanu idin eersanaye, Abtrisiimo ruuxii yaqaan, aayo tiin ma laha’e, Irmaanaatay maandeeq, oo waad iba kuryeyseene, ma afurin agoionkii wadiyo, kii ushaw sidaye, ninmaan aabihii maali jirin, looma aamino’e, waa taa ilmaha loogu xidhay, geed adaahiyahe, aagaamaha ka sii dhaansadaay maalin dhaw, ma urin doontaane ( Waa Murtiddii Qaasim Alla yaraxmo’e).
 
Sanankaa maanta ah ama soconaaya, ee la qaban doono doorashaddii Madaxweynaha Somaliland ( haddii ay dhacdoba), waxa aad looga werwersan yahay xaalka ay ku sugunaan doonto, iyo sidda ay u qaban doonaan Qudhmiye iyo Xukuumadda murdiso ee is xambaarsani, waayo marnaba kuma ay talo gelin, in ay ummadu ku dareerto mid xor iyo xalaal ah, ee waxa ay sansaanka muuqdaa uu yahay maahmaahddii ahayd ” Deerooy dantaa ma is daba mar baa” oo micnaheedu yahay in maamulkani uu sidda uu rabo ka yeelo, wuxuu doonana ka sameeyo, iyaka iyo komishanka oo aan madax banaanayn, oo la ogaaday in uu wax qarsanaayo, ay isku og yihiin Qudhmiye Iyo Xukuumadiisa. Waana cadaan, oo waxa si toos ah loogu badheedhay, La Taliyihii Doorashooyinka Mudane Cabdiliaahi Jawaan, oo af-buuxa Komishanku ku yidhi ka bax shirka, marka waa su’aal qof kaste u taala oo reer Somaliland ah, waxa loo diiday Cabdilaahi Jawaan, In uu ogaado waa meesha ka socdda? waa maxay  talladda hoos loo wadda gaadhayaa? Maxaa isaga laga qarinayaa? Maxaa keenay in wax la dedo oo hoos ay u faqaan Xukuumadda, Komishanka iyo qudhmiye? wax la qariyo qudhun baa ku jira baa la yidhiye, adigu akhristaw arimahaa ma u dhuu  dalooshaa? maxayse kula tahay,
Hadal waa run kama rayste’e, jawaabta oo koobani waxay tahay, isu hoos gelis, musuq-maasaq, food la boobo iyo tuuganimo, qabyaalad iyo tolaay, ku shubsho siddiila doono lga yeelo. sidee baa la odhanayaa waraaqihii soo hadhay?, ee ay iman waayeen, dadkii badnaa iska diiwaan geliyey, dhulkii looga qaxay abaarta iyo biyo la’aanta, oo aan weli ku soo noqon meelihii laga diiwaan geliyey, oo weli ku laalan dhulkii ay u guureen, in kaste oo akhristaw roob da’ay, hadana  weli may iman dadkii, oo way maqan yihgiin, mana ay soo gaadhin ilaa hadda, goobihii loo asteeye in ay ka foodaan, arinka sidaas ah, baa waxa jira kumanaan  kaadhadh oo ku soo hadhay gacmaha  Komishanka, oo la la’yahay dadkii lahaa, oo aan soo xaadirin. waxa hubaal ah, hadaba maadaama ay isku xidhan yihgiin, kan cad-quudheedka loo tuuro, ee ku dawersadda Xusbi Magac-U-Yaalka ah ( Waa Ucide, oo markhaati beenaale la daba taagan Qumiye, siddii ooriddii Cadhays Ciise ay saarkii uu tirin jirey, ka daba odhan jirtay ” Runtaa, Haa-Heey, Haw noqon” oo isagu wuxu dhawrsanayaa aanay jirin, dhabaqso mooyaane, waxana aan sugayn, arin ka noqday, kolay wax heli mayside shaqayso, oo wixii aad gacanta ku dhigi kartoba, soo xero geli, waxaas oodhan oo isku duuban, awgeed baa looga saaray Cabdilaahi jawaan. hadaba haduu xaajadda daacad uu ka yahay Komishanku, waa in uu isugu yeedhaa goob walba inta illaalinaysa, ee ka tirsan Sadexdda Xusbi, Komishanka cidda ka mansuul, oo wadda jir hortoodda loogu gubo, oo aan been laga sheegin, la aamini maayo dib baanu u qaadaynaa wixii cidi u iman wayday. 
 
Cabdilaahi Jawaan, waxa kale oo uu si cad u diiday, gudi ku sheeg loo samaysanaayo in ay saxeexa ugu jiidaan, marka laga helo Qudhmiye, oo ay yidhaahaan “Garta Cayub U Celiya” kuwaas oo ay ula baxeen wax ay ku sheegeen ” Mus Dambeedka Komishanka” waa kuwo loogu talo galay in ay leeyihiin awoodda kama dambaynta ah, sidda  waxa ay ugu yeedhaan Guurtidda, oo  mabda’oodu iska cad yahay, dhuuntana wax ka arka, oo Saleebaan gaal uu u laalaadiyo wax yar oo ah hooyoo-ku-go’, oo gacanta loo saaro markay xaajo, ay u fulinayaan Qudhmiye iyo Xukuumadiisa murdiso, siddii tii saldhiga Berbera iyo dekedda. akhristaw maanta dalku marxalad aad u xun buu ku jiraa, waa maamulkii ugu xumaa ee abid ina soo mara, xataa marka lagu daro Xukuumadihii lagu sheegi jirey wax ay u yaqaanaan Somaliya, maca tii Af-weyne kolka ay ku tahay.
 
Waxan uga digtoonaadaan Komishanka, oo xaalkoodu iska cadaan yahay, in ay gacanta ugu jirto maanta jiritaanka Somaliland, burburkeedda, nabadeedda, cadaaladeedda, wadda jirkeedda, colaadeedda, iyo wax yaabo kale oo badani. haddii ay ka talin weaayaan cadaalad, siddii Komishankii Hore ee aad bedesheen, waxa dhici doonta dagaal aad idinku ku burburinaysaan, oo aad ku raacsan tihiin, Maamulka hadda ku amar-ku-taaleeya dalka, kass oo ay ku heshiis yihiin Qudmiye iyo Xukuumadda Murdiso, oo ay dhaar ku mareen, in aan cidi uga dambayn, ee ay dib ugu noqoto halkii aynu ogayn, ee aynu ka dagaalanay, ummadani u dul qadan mayso gumaysi dambe, iyo dabar go,  waa la inoo badheedhay, oo si aan gabasho lahayn, baa wax la inoogu sheegay, waase haddii aydin shicibyahaw idinku u suuro gelisaan, waa in aan nidhaahno, “In dhibaato nagu filan faraqaan ku haynaa” ee na dhaafa, haddii kale miyaa ogaadda in aad aakhiro u dhaadhacdeen, wax dambe oo Somaliland la yidhaahaana aanay jirin, dibna inoo soo mari doonin, ee aynu sidaa ku ilawno. Waxan ku soo xidhay maqaalkan, Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa, hubsiimo hal baa la siistaa, maanta iyo in aynu ka talino aayaha Somaliland iyo jiritaankeedda ama aynu geeri doonano , dulinimo, iyo gumaysi abada ah, intaa aynu kala doorano, waa in aan u foodnaa Xusbiga Waddani haddii aay rajo in uun ka qabto Somalialnd.
 
Qore:- Drs Nadeera Jaama
nadeerajama2@gmail.com