Oodweyne News - Latest Somali News Update

Xarun cusub oo dabaasha lagu baro dhalinyarada khaasatan kii doonaya inuu tahriibo oo laga furay magaalada Hargeisa

Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.

dhaqankoodu mid maaha .

Dhaliil la iskama qaato .

DHafoor taabasho weeye .

Dhibtana la iskuma eego.

daily way kaftamaan .

Hadana la isma dhegaysto.

Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .

Kaalayoo bal dhegayso.

Dhaqane;Ma maqashay waxa magaalada Hargeisa laga furay xarun cusub oo dhalinyarada lagu baro dabaasha ,khaasatan kii doonaya inuu tahriibo waa half pris baan maqlee?

Dhaashane:Waar dhalinyarada ha naga dareerin.Markii horaa baanu u taag la `ayn adna hadaad leeday dabaashaaba la sii barayaa.

Dhaqane;Waayee ma maqashay reer miyigii oo yidhi ,madaxweyne ku xigeenka ha nala siiyo?Waxay yidhaahdeen ,cadaalad maaha in reer magaalku madaxweynaha iyo ku xigeenkagaba wada qaato.

Dhaashane;Waar heedhe ,wakaalada wararka eed dhegaysataa mid halkee ku taal?

Dhaqane;Waxa la yidhaa:Wax ma qariso.Anagu ma sidaadaanu tv qaranka ee afar iyo labaatanka saacadood isku amaantaan uun dhegaysanaa?

Dhaashane;Waar tvga qaranku wuu ku dhamaa ,wakaa dadkiisii tabaalaysnaa lacagta u ururinayee miyaad ka qeyb gelayn 18 ka may iyo qadhaan ururinta?

Dhaqane:Adeer anagu markaanu dadka caawinaynay idinku DP world baa daba ordayseen dalba war kamaydaan hayn.mida kale,ma nimankiina garan waayey xaqul qalinkuun dadka masaakiinta ah wax ka siiyaa imika iska dhigaya daacad.waar wax kale noo sheega.may dhawayn markaan lahaa: Rag tashaday wax badan buu taraa kuna tiraabaaye Taakulada abaaraha ragaa tuurta sare saartay Ee inay tolkood caawiyaan dhab isu soo taagay Bal mar uun tabtaa dee Waddani tacabka may quudho? Temeshlahaba Kulmiyaa ku wacan townka suuqyada e Tolaayey markay taagantahay tebay ragaa dee.

 

 

Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden diiriye